19th September 2024  admin  Category :

Maxaa ka dhacay gudaha safaaradda Soomaaliya ee Suudaan?

Wararka ka imaanaya magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan ayaa sheegaya in koox hubeysan ay xalay galeen safaaradda Soomaaliya ee dalkaas, isla markaana ay dhac ka geysteen.

Warbaahinta qaar ee Suudaan ayaa baahiyay in dhismaha safaaradda oo ka kooban saddex dabaq la galay oo qalab laga qaatay.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Suudaan, Maxamed Sheekh Isxaaq Ibraahim, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in dad deris la ah safaaradda ay sidoo kale u xaqiijiyeen warkan.

“Waxaa naloo sheegay inay jabiyeen albaabka hore iyo kan dambe ee safaaradda. Sidoo kalena ay galeen dabaqii hoose oo ay ku yaalleen xafiisyo iyo maktabad yar. Laakiin aysan la kulmin wax ay qaataan,” ayuu yiri safiirka.XAYEYSIINhttps://095a66d450b40faac30c1c4e1c4ff402.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html

Wuxuu safiirku sheegay in kooxdan ay meesha ka waayeen wax ay qaataan, maaddaama sida uu sheegay ay raadinayee lacag, dahab iyo qalab kale oo muhiim ah.

“Waxay keliya qaateen gaari safaaradda horkeeda ku baakinnaa oo ay dad kale lahaayeen,”

“Ma aysan gelin qeybtii kore oo xafiiskeyga ah,” ayuu intaas raaciyay.

Kooxdan ayaan ilaa iyo haatan la ogeyn cidda ay yihiin, wuxuuse wasiirku sheegay in looga shakisan yahay Ciidanka Gurmadka Degdegga ah ee Suudaan oo sida uu sheegay aagga heysta.

Sudan
Qoraalka sawirka,Dhismaha safaaradda Soomaaliya ee Suudaan

Safaaradda Soomaaliya uguma horreyso kuwa ay kooxaha hubeysan galeen, sida uu safiirku sheegay waxaa la galay dhowr safaaradooda oo isla meeshaas ku yaalla.

“Ma xaqiijin karno cidda ay yihiin. Laakiin waxaan xaqiijineynaa in xaafadahaas oo dhan ay deggan yihiin RSF. Laakiin maaddaama aan annaga meesha joogno ma xaqiijin karno,” ayuu yiri safiirka.

Aagga ay safaaradda Soomaaliya kaga taallo Khartuum, waxaa sidoo kale deggan safaarado ay ka mid yihiin kuwa Kenya, Jabuuti, Zimbabwe, Algeria, Libya iyo Eritrea. Waana meel u dhow garoonka la isku heysto ee dagaalku ka socday.

Wuxuuse safiirku sheegay in xalay ka horow aysan wax dhibaato oo kale ah ka dhicin aagga safaaradda.

Haatan ma jirto cid ilaalisa ammaanka safaaradda, iyadoo dagaalkii hore ay dowladda Suudaan sugi jirtay ammaanka oo ay usoo diri jirtay askar ilaalisa.

Suudaan
Qoraalka sawirka,Safiirka Soomaaliya u fadhiya Suudaan, Maxamed Sheekh Isxaaq Ibraahim

Safiirka ayaa sheegay inay haatan wadaan xiriirro ay la sameynayaan dowladda Suudaan, isagoo intaa ku daray in wax laga xumaado ay tahay arrintan.

“Waan cambaareynaa in xarun xasaanadeeda leh la weeraro. Qofkii u bareero waa qof kusoo xadgudbay, waana mid khaanuunka baal marsan in la galo laguna xadgudbo.” Ayuu yiri safiirka.

Waa sidee xaaladda haatan ee Suudaan?

Suudaan
Qoraalka sawirka,Inta badan dadka ayaa ku barakacay gudaha dalka

Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dagaalka muddada bisha ah ka socda Suudaan uu haatan ku qasbay ku dhowaad hal milyan oo qof inay guryahooda ka qaxaan – kuwaasoo badankood ku dhex barakacay dalka.

Inkastoo uu jiray heshiis lagu gaaray in la dhowro rayidka, haddana ciidamada dowladda Suudaan iyo kuwa RSF ayaa midba kan kale ku eedeynaya rasaasta lagu ganay kaniisad ku taalla bannaanka Khartuum taasoo tiro dad ah ay ku dhaawacmeen.

Ergada labada dhinac ayaa kulan ku lahaa magaalada Jiddah ee caasimadda Sacuudiga si ay u qorsheeyaan in ciidamada is haya laga saaro goobaha ay rayidku deggan yihiin.

Balse taasi ayaa u muuqata mid aan dhici karin marka la eego sida ay RSF ugu fidsan tahay deegaannada ku hareereysan caasimadda.

Amman-darrada ka jirta gobolka Darfur ayaa iyaduna ka sii dareysa. Deegaanka El Geneina, maleeshiyaad Carab ah oo gacan sara la leh RSF ayaa weerarro ku ekeynayay guryaha.

Cidna uma muuqato inay garaneyso sida dagaalka loo joojiyo waxaana jirta khatar dhab ah oo ku aaddan in dagaalkan uu carqaladeyn karo xasiloonida guud ahaan gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*