29th March 2024  admin  Category :

Boosaaso: Suuqa lagu kalla iibsado xoolaha ee magaalada Boosaaso, ayaa la garan la’yahay qiimaha xoolaha lagu kalla iibsanayo kadib markii dawladda Puntland ay iyadu abuurtay jahwareer ku aadan lacagta shillinka Soomaaliga ah. Dadka ayaa sheegay in ganacsatada Boosaaso ay dadka ka rabbaan lacago doolar ah, meesha dadkuna aysan wadda heeysan lacag doolar ah.

Hadaba, jahwareerka ku yimid lacagta shillinka Soomaaliga ayaa waxeey sababtay in ganacsigii dhammaa uu hakad ku yimaado, meesha dad badan oo danyar ahna ay noloshoodu qatar ugu sugantahay ineey gaajo u dhintaan.

Senegal: Shirkadda DP World ayaa waxa ay heshiis la gashay dawladda Sinigaal (Senegal) oo ku saabsan sidii ay u horrumarin laheed dekedda dalkaas. Shirkadda ayaa sheegtay in ay ku maalgellin doonto mashruucaas lacag ka badan 1 bilyan oo doolar. Lacagtaas ayaa noqoneeysa lacagtii ugu badneeyd oo ay shirkadda DP World ku maalgeliso deked ka mid ah dekeddaha qaarada Afrika. Dekedda ayaa loogu talagalay in ay kor u qaado dhaqdhaqaaqa ganacsi ee Galbeedka Afrika wadmada ku yaal.

Jabuuti: Wasiirka Maaliyadda Jubaland iyo mas’uuliyiin kalle oo la socday ayaa booqasho ku tagay dekedda dalka Jabuuti. Sidoo kalle, wafdigan ayaa la kulmay maareeyaha dekaddaha Jabuuti, Abubakar Cumar Xaddi.

 

2 thoughts on “Maxaa Cusub Maanta?

Leave a Reply to farxaan cawil Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*