7th September 2024  admin  Category :

Matteo Messina: Waa kuma maafiyihii ugu weynaa Talyaaniga ee maanta la qabtay?

Waxaa lagu naaneysaa “Diabolik” oo micno ahaan ah ninka aan la qaban karin, waxaana loo arkaa hoggaamiyaha maafiyada “ee ugu muhiimsan” ee ku nool Talyaaniga.

Magaciisa waa Matteo Messina Denaro maanta ayaana la xiray kaddib 30 sano oo uu ka dhuumanayay dowladda Talyaaniga.

“Maanta, January 16, waxay booliisku xireen Matteo Messina Denaro oo ku jira xarun caafimaad oo ku taalla Palermo, halkaasoo lagu daweeyay,” ayuu yiri Pasquale Angelosanto, janaraal ka tirsan booliiska Talyaaniga.

Messina Denaro waxaa loo arkaa hoggaamiyaha kooxda Cosa Nostra wuxuuna dhuumanayay tan iyo sanadihii 1990-meeyadii, markii maafiyada Sicily ay kordhiyeen ololahooda dilalka iyo weerarrada magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla dalkaas.

Waxaa lagu eedeeyay loona xukumay dhowr ka mid ah dembiyadaas isagoo ka maqan maxkamadda ayaana lagu xukumay xabsi daa’in.

Waxaa ka mid ah dil sanadkii 1992 loo geystay dacwad-oogayaashii maafiyada Giovanni Falcone iyo Paolo Borsellino, weerarradii bambaano ee ay dadka badan ku dhinteen ee Milan, Florence, iyo Rome, iyo afduub, jirdil, iyo dilka wiil 11 jir ahaa oo uu dhalay nin burcad ah kaasoo isu beddelay marqaatiga dowladda.

“Guul weyn ayay u tahay dalka”, ayay tiri Raysal Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni.

“Waa nin aad khatar u ah”

Messina Denaro waxaa mar laga soo xigtay in”qabri uu ka buuxin karo” dadkii uu laayay.

Messina Denaro ayaa meesha sare kaga jiray maafiyada la doon doonayay

“Waa nin aad khatar u ah oo baxsad ah,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Talyaaniga Matteo Piantedosi.

Messina Denaro ayaa baxsad ahaa tan iyo sanadkii 1993, balse waxaa la rumeysan yahay inuu sii waday inuu amarro siiyo shaqaalihiisa oo ku sugnaa goobo kala duwan oo qarsoodi ah.

Ninkan ayaa sidoo kale ku lug lahaa howlgallo badan oo dembi ah oo la soo abaabulay, oo ay ku jiraan lacago is daba marin iyo daroogo loo gudbiyay Cosa Nostra.

Messina Denaro waxaa la sheegay inuu gacanyare u ahaa Salvatore Riina, madaxa qabiilka Corleone kaasoo la xiray sanadkii 1993 kaddib 23 sano oo uu dhuumanayay.

Qabashadiisa ayaa imaaneysa maalin kaddib sanad-guuradii 30-aad oo ka soo wareegatay xiritaankii Riina, oo geeriyooday sanadkii 2017.

Kooxda Cosa Nostra waa koox maafiyo ah oo laga sameeyay filimaantii mala awaalka ahaa ee “The Godfather”.

Salvatore Riina, madaxii Cosa Nostra, waxaa la xiray 1993. Wuxuu geeriyooday 2017.

Mala awaal laga sameeyay maafiyada

Hoggaamiyaha ayaa lau xiray xarun caafimaad oo ku taalla Palermo. Waxaa laga daweynayay kansarka mindhicirka muddo sanad ah isagoo sheeganayay magaca qof kale.

Ma uusan sameyn iska caabbin, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ANSA.

Anna Sergi, oo ah khabiir dhanka dembiyada ah kana tirsan Jaamacadda Essex, ayaa Messina Denaro ku tilmaantay inuu yahay “kii ugu dambeeyay, ugu xasiloonaa uguna ‘nadiifsanaa’ burcadda harsan ee Sicily.

“Siraha la sheegay inuu hayo waxay muhiim u yihiin shirqoollada la xiriira heshiisyada u dhaxeeyay maafiyada iyo dowladda sanadihii 1990-meeyadii,” ayay Sergi u sheegtay wakaaladda AFP.

“Waa muhiimadda taariikhda quwadeed ee Cosa Nostra. Mala awaalka la xiriira xilliyadiisii baxsadka uu ahaa waxay qeyb ka yihiin sababta ay usii baaba’eyso awoodda maafiyada,” ayay intaa ku dartay.

Guusha dowladda ee dembiyada abaabulan

Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni ayaa sheegtay in Messina Denaro uu ahaa madaxa “ugu muhiimsan” ee maafiyada, qabashadiisana ay “guul weyn” u tahay dalka iyo dagaalkiisa ka dhanka ah dembiyada baaabulan.

Giorgia Meloni

Sawirro ay booliisku shaaciyeen ayaa muujinaya ninkan oo ku fadhiya qeybta dambe ee gaariga. Wuuxu xirnaa jaakad iyo ookiyaalaha qorraxda.

Kahor sawirkan, kii ugu dambeeyay ee laga hayay wuxuu ahaa sanadihii 1990-meeyadii.

Booliiska ayaa kaddib adeegsanayay farsameynta sawirrada casriga ah, hadba sida uu muuqaalkiisu isu beddelayay tobnaankii sano ee la soo dhaafay.

Muddadaas, baarayaasha ayaa ninkan uga dhowaanayay dadkii u dhowaa ee la shaqeynayay. Waxay arrintan sababtay inay soo xiraan walaashii Patrizia iyo qaar kale sanadkii 2013.

Dowladda ayaa sidoo kale la wareegtay xarumo ganacsi oo lala xiriirinayay Messina Denaro, taasoo keentay in ninkan uu go’doomo.

Sanadkii 2015, booliiska ayaa ogaaday in Messina Denaro uu la xiriirayay dad la shaqeeya.

Baarayaasha ayay tobnaan sano ku qaadatay inay baaraan guryo iyo ganacsiyo la sheegay inay leeyihiin xulafada Matteo oo ku yaalla jasiiradda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*