7th September 2024  admin  Category :

Waxaa maalin dhaweed yimid wafdi ka socda dalka Qatar oo heshiisyo horumarineed la saxiixday Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Maalgellintan  ayaa la sheegay ineey ku kici doonto lacag dhan $200 oo milyan oo dollar.

Dhismayaal iyo wadooyin ayaa ka mid ah mashaariicda la fullinayo. Hase ahaatee, baahida dalka Soomaaliya ka jirtaa waqtigan la joogo waa midda amniga. Argagixisada dalka ka hawlgashana welli waa qatar aan meesha ka bixin, qaraxyada iyo dilalka ay qorsheenayaana welli waa kuwo la fillan karo ineey dhacaan. Qaraxii dhawaan ka dhacay Soobe ayaa waqtigan dhimashadiisa ay mareeysaa 512 qof taas oo ah mid diifteeda welli ay tahay mid muuqata.

Ciidamada dawladda ma heestaan mushaar ku fillan iyo qalabkii ay ku hawl gelli lahaayeen.  Hadaba, dawladda federaalka waxaa haboon in dalalka raba ineey Soomaaliya caawiyaan ay ka codsadaan ineey ka caawiyaan mushaarka iyo qalabeenta ciidanka seddexda sanno ee soo socoto taas oo ah waqti ku fillan oo ciidanka dalka uu lugighiisa isku taagi karo.

Balan qaadyada ay sameeyaan dawladaha adduunka waa kuwo aan inta badan la fullin taas oo ah waqti lumis. Qatar ballan qaadka ay waqtigan ay sameeysay ma noqon doonto mid la fulliyo. Hadaba, in laguu balan qaado mashaariic ku kacaya ballaayiin doolar, waxaa ka fiican lacago yar oo kaba baahiyaha muhuumka ah ee waqtigan taagan oo ay ugu weeyn tahay midda sugidda ammaanka.

Wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya diyaar umma ahan in ay ka caawiyaan dawladda Soomaaliya dhisitaanka ciidamaada si ay u soo gabgabeeyaan cadawga ummada Soomaaliyeed xasuuqa ku haya ee Shabaab. Waqtigan argagixisada waa kuwo baxsad ku jira oo u baahan in la is raaciyo; si taas loo fulliyana ciidamada dalka waxeey u baahan yihiin gacan qabasho dhab ah, balse umma baahna mashaariic fullintooda aan la hubin. Muuqaalada hoose waxaa ku arki kartaan shirar kalla duggan oo loo qabtay Soomaalida kuwaas oo loogu yaboohay lacago ballaayiin doolar ah, wixii lacag ahaana waxba lagama hayo.

https://youtu.be/Y0pjLY6Psug

https://youtu.be/42xEMhRM-50

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*