26th March 2024  admin  Category :

Mareykanka oo taageeray baaqii Soomaalida intdeeda badan ee ku raadinayeen qaeanimo Soomaaliyeed

Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dowladda Federaalka Soomaaliya inay si deg deg ah shir ugu ula yeelato Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, si xal waara looga gaaro khilaafka hareeyay geeddi socodka siyaasadda Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo lagu daabacay bogga Safaaradda ayaa lagu yiri Dowladda Mareykanka waxay ugu baaqeysaa Dowladda Federaalka SSoomaaliyain ay si deg deg ah shir u qabato dhammaan Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee maamul goboleedyada, Dastuurka ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa saldhig u ah mabda’a wadahadalka iyo iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubinta ka ah Federaalka, Qodobka 51 farqadiisa (3) wuxuu dhigayaa in Madaxweynayaashu kulmaan ugu yaraan hal jeer sanadkii”

“Waxaan soo dhaweynaynaa hadaladii dhowaan ka soo yeeray Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Ware, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni, iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, iyo daneeyayaasha kale ee codsaday inay shir isugu yimaadaan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, si waafaqsan dastuurka Soomaaliya” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

War saxaafadeedka Mareykanka ayaa ahaa mid taageero gaar ah loogu muujiyay hadalkii Cabdi Xaashi iyo aqbalaadii saddexda maamul goboleed ee Hirshabeelle, Puntland iyo Jubbaland, iyadoo aanay weli wax war ah ka soo bixin Maamul goboleedyada kala ah Galmudug iyo Koofur Galbeed oo lagu tiriyo kuwo aadka ugu dhow Villa Somalia oo doorashadii Madaxweynayaasha maamuladaas ay dowladdu ku bixisay taageero dhaqaale iyo mid ciidan.

Sidoo kale war saxaafadeed ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay wajaheyso labo fursado oo taariilhi ah iyo caqabado waa weyn, waxaana loogu baaqay dowladda Federaalka iyo hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada inay muujiyaan hoggaan geesinimo leh, iyagoo meel isla dhigaya kala duwanaashaha si loogu heshiiyo qaab waqtigeedii ku haboon, loo dhan yahay, oo hufan oo loogu talagalay doorashooyinka qaran, xallinta kala-qaybsanaanta siyaasadeed, u midoobitaanka la dagaallanka al-Shabaab, in dib loo eego Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya.

Ugu dambeyn war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay dowladda Mareykanka ay ka go’an tahay inay taageerto dadka Soomaaliyeed oo ay ka go’an tahay inay horumariso hadafyadayada iyo himilooyinkeeda mustaqbalka Soomaaliya, iyada oo loo marayo ballanqaad dib loo cusbooneysiiyay wada hadalka nabadeed, waxaana ku kalsoonahay iskaashiga dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada inuu sugi doono nabad, barwaaqo, iyo horumar dhammaan muwaadininta Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*