26th April 2024  admin  Category :

Mareykanka oo agab caafimaad ugu deeqay Soomaaliya

Hey’adda USAID ee Mareykanka ayaa maanta Muqdisho soo gaarsiisay agab caafimaad loogu tala galay in dowladda Soomaaliya u kaashato howlaha la tacaalida Cudurka Coronavirus.

Agabkan ayaa isugu jiray 350 sariirood oo ah kuwa Isbitaalada ee casriga ah, 500 firaashyo iyo agabyo kale, waxaana lagu wareejiyay Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Dowladda Soomaaliya Drs. Fowsiya Abiikar Nuur oo qalabka kala wareegtay USAID ayaa Dowladda Maraykanka uga mahadcelisay deeqadan, waxanaay sheegtay in Wasaaraddu ay ku howlan tahay sidii loo xakameyn lahaa xanuunka Coronavirus

Deeqdan caafimaad ayaa ah tii u horeysay ee Mareykanka uu soo gaarsiiyo dowladda Soomaaliya, maadaama dowladdu dhowaan ka dalbatay caalamka taageero, si wax looga qabto ka hortagga cudurka Coronavirus.agab caafimaad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*