16th September 2024  admin  Category :

Mareykanka: Maxay yihiin ninka iyo xaaskiisa ee ay Ilhaan Cumar ku dhaggan tahay

Ilhan Cumar

Ilhan Cumar oo xubin ka ah Aqalka Wakiillada Mareykanka ee Congress-ka ayaa wali sii wadda olole ay ku doonayso in mas’uuliyadda laga qaado garsoore ka tirsan maxkamadda ugu sarreeya Mareykanka, oo lagu magacaabo Clarence Thomas.

Garsoorahan ayay Ilhaan ku eedeysay in ay go’aannadiisa ku lug leedahay xaaskiisa, Ginni Thomas.

Wareysi ay Ilhaan xalay siisay telefishinka MSNBC ayay ku sii xoojisay mowqifkeeda, iyadoo mar kale ku celisay in Mr Thomas uusan u qalmin booska.

“Micno ma samaynayso inaan iska indha tirno sida ay xaaskiisa ugu lug leedahay go’aannada uu qaato garsoore Thomas,” ayay tiri Ilhaan. Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayayna intaas raacisay: “Aniga micno iima samaynayso in aan ku baaqi wayno xil ka qaadistiisa iyo inaan howshaas durba ku dhaqaaqi wayno.

Xildhibaannada Xisbiga Dimuqraaddiga ayaa in muddo ahba dalbanayay inuu is casilo Thomas, iyagoo ku gooddiyay in haddii uu shaqada ka tagi waayo ay mooshin xil ka qaadis ah ku samayn doonaan.

Garsooraha ayaa eedeymo la kulmay kaddib markii uu soo baxay war sheegayay in xaaskiisa Virginia, oo loo yaqaanno Ginni Thomas ay farriin email ah u dirtay qareenka taageersan xisbiga Jamhuuriga, John Eastman, oo xuddun u ahaa isku daygii uu madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump ku doonayay in lagu baddalo natiijada doorashadii 2020-kii.

Garsoore Thomas iyo xaaskiisa

Xildhibaan Bill Pascrell oo ka mid ah dadka sida wayn ugu ololeynaya inuu meesha ka baxo garsoore Thomas ayaa sheegay in “aysan suuragal ahaan karin in xilligaas uu Clarence Thomas ahaa qof dhexdhexaad ah” waxa uuna ku tilmaamay “garsoore musuqmaasuq ku dhaqma”.

Horaantii sanadkan ayay guddiga Congress-ka ee loo xil saaray baaritaanka weerarkii 6-dii January lagu qaaday dhismaha Capitol ka codsadeen Ginni Thomas inay kala hadasho waxa dhab ka ah warkaas oo uu daabacay Wargayska Washington Post.

Wargayska ayaa sheegay in guddigu ay caddaymo u hayeen in Thomas ay la xiriirtay gar yaqaan John Eastman.

Ginni Thomas

Guddoomiyaha guddigan, Bennie Thompson, ayaa war fidiyeenka u sheegay inay kulan ka codsadeen Ginni Thomas, balse ma uusan sheegin goorta warqadda la diray.

Waa kuma garsoore Thomas?

Clarence Thomas waa garsoore rug caddaa ah oo ka mid ah xaakimiinta maxkamadda ugu sarraysa Mareykanka.

Waxa uu dhashay 23-kii bishii June ee sanadkii 1948-kii.

Xilka garsooraha maxkamadda uu hadda ka howl galo waxaa u magacaabay madaxweynihii hore ee Mareykanka,George H. W. Bush, ilaa haddana shaqadaas ayuu ku jiray.

Markii la magacaabay waxa uu baddalay Thurgood Marshall. Tan iyo sanadkii 1991-kii ayuu ku jiray shaqada sharciga.

Garsoore Thomas

Thomas waxa uu noqday garsoorihii labaad ee kasoo jeeda Mareykanka madow oo ku biira Maxkamadda ugu sarraysa waddanka. Waxaa ka horreeyay Marshall oo ah garsooraha uu baddalay.

Tan iyo sanadkii 2018-kii, Thomas waxa uu ahaa qofkii muddada ugu dheer xubinta ka ahaa maxkamadda, maadaama uu ka shaqeynayay in ka badan 30 sano.

Guddiga baaritaanka dhacdadii lixdii January ayaa si xowli ah u wada howshooda, iyagoo dhagaysanaya markhaatiyaasha kala duwan.

Madaxweynihii hore, Donald Trump ayaa wajahaya eedeymo xoog leh oo ku aaddan in uu sameeyay isku day afgambi.

Mid ka mid ah markhaatiuyaasha la dhagaystay ayaa dhawaan sheegay in Trump uu wali khatar kusii yahay dimuqraaddiyadda Mareykanka, haddana uu ka sii shaqaynayo inuu farogalin ku sameeyo natiijada doorashada lagu wado inay dhacdo 2024-ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*