19th September 2024  admin  Category :

Soo dhaweeynta Mareeykanka ee ku aadan Teywaan (Taiwan) iyo maamulka Hargeeysa xiriirka ay sameeysteen, waa mid aan macna badan soo kordhineeyn. Dalka Shiinaha waxa uu u arkaa Taiwan in ay tahay gobol ka mid ah dalkaas oo aan sinaba u noqon karin dal iyada ka madax bannaan, meesha maamulka Hargeeysana uu yahay isna gobol ka mid dalka Soomaaliya.

Waxaana dalka Shiinaha ka go’an in uu soo gebegebeeyo arrinta Taiwan, waxeeyna madaxda dalka Shiinaha ay marar badan ku celceliyeen in hadii loo baahdo ay xoog isticmaali doonaan. Sidoo kalle, qubarada ka faaloota arrimaha amniga waxeey sheegeen in dalka Shiinaha uu ku qabsan karo Taiwan hadii uu u baahdo muddo laba isbuuc ah.

Waxaana dhab ah in Taiwan laga dad badan yahay, laga hub badan yahay, lagana dhaqaalo badan yahay. Sababtaas darteedna, ay Taiwan ku adag tahay ineey ciidan ahaan isaga celliso dalka Shiinaha hadii la soo weeraro. Hadaba, Taiwan ineey sii jiri doonto mustaqbal dhaw ayaaba ah mid callaamatul su’aal ay saaran tahay.

Mareeykanka xiriirkaa uu soo dhaweeyey waa mid ay iyagu isleeyihiin dalka Shiinaha ku xumeeya, Taiwana niyadda ugu dhisa, laakiin Shiinaha iyo Mareeykanka waxaa ka dhaxeeya arrimo badan oo ay ugu weeyn tahay midda ganacsiga. Tusaale, labada dhinac ganacsiga u dhaxeeya waxaa lagu qiyaasaa in uu dhan yahay illaa iyo 800 oo bilyan oo doolar. Waxaana xaqiiqa in si kasta oo ay cadaawad uga dhaxeeyso Mareeykanka iyo Shiinaha ay hadana wax kasta ka horumarin doonaan danaha ballaaran ee labada dal ka dhaxeeya.

Mareeykanka maxaa Hargeeysa ka soo gallaya? Miyuuse diyaar u yahay in dalka Soomaaliya uu kalla jaro? Waa midda koowaadee, Mareeykanka wax alla iyo wax ka soo gallayaa Hargeeysa ma jiraan. Waa midda labaadee, Mareeykanka diyaar umma aha in dalka Soomaaliya uu kalla jaro.

Isku soo wada duub, soo dhaweeynta Mareeykanka ee ku aadan heshiisyada Taiwan iyo maamulka Hargeeysa ayaa ah mid niyadda loogu dhisayo Taiwan oo ciriiri badan dareemeeysa, balse xaqiiqada dhabta ah ayaa ah in Taiwan ay ku danbeen doonto gacanta dalka Shiinaha sida Hong Kong kagacanta loogu dhigay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*