
15th March 2025 admin Category :
Maraykanka iyo Israa’iil oo soo celiyey inay Soomaaliya iyo dalal kale kala xaajoodaan in Falastiiniyiinta dib u dejin loo sameeyo
Maraykanka iyo Israa’iil ayaa xiriir la sameeyey saraakiil ka tirsan seddex xukuumadood oo ku yaalla Afrikada Bari si ay ugala xaajoodaan in dhulkooda loo isticmaalo goob ay suurtogal noqon karto in dib u dejin loogu sameeyo Falastiiniyiinta laga sii xididdo siibayo Qasa, si waafaqsan qorshaha madaxweyne Trump ee la xiriira d agaalka ka dib, sidaas waxaa wakaaladda AP u sheegay saraakiil Ameerikaan iyo Israa’iiliyiin ah.
Xiriirrada lala sameeyey Sudan, Soomaaliya iyo jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax banaanida ee Somaliland ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay Maraykanka iyo Israa’iil inay sii riixaan qorshe aad loo cambaareeyey, keenayna arrimo aad u ba’an oo la xiriira dhanka sharci iyo aqbalaad niyadeed.
Waayo seddexda gooboodba waa sabool, qaarkoodna ay dagaallo ragaadiyeen. Hindisahan wuxuu kaloo shaki galinayaa hadafkii Trump ee sida uu sheegay ahaa in Falastiiniyiinta dib loo dejin doono “meelo qurxoon”.
Saraakiisha Sudan waxay sheegeen in ay ku gacan sayreen codsiga Maraykanka, halka saraakiil ka tirsan Soomaaliya iyo Somaliland ay AP u sheegeen inaysan ka warhayn wax xiriir ah.
Marka la eego qorshaha Trump, in ka badan 2 malyan oo qof oo reer Qasa ah ayaa si aan ka soo noqosho lahayn loogu diri doonaa deegaanno kale. Wuxuu soo jeediyey in Maraykanku uu la wareegayo lahaanshaha dhulkaas, dushana uu ka eegi doono shaqada nadiifinta, uuna dhismeyaal ka dhisi doono.
Fikradda ah in dad badan oo Falastiiniyiin ah la soo raro ayaa mar waxaa loo arki jiray wax ay ku riyoonayaan dadka ay waddaniyaddu madax martay ee Israa’iil. Laakinse tan iyo markii uu Trump soo jeediyey fikraddan, kulan ka dhcay aqalka cad bishii hore, ayaa ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu aad u soo dhoweeyey.

Falastiiniyiinta Qasa ayaa ku gacan sayray hindisahan, waxayna gaashaanka ku dhufteen sheegashada Israa’iil ee ah in dadka la qaadayo ay si iskood ah u bixi doonaan. Dalalka Carabta ayaa iyagana si aad ah uga soo hor jeestay, waxayna soo bandhigeen qorshe dib u dhis oo kaa lagu beddelayo, kaasoo Falastiiniyiinta u ogolaanaya in ay halkooda joogaan.
Kooxaha xuquuqul Insaanka ayaa iyagana sheegay in haddii la khasbo ama cadaadis lagu saaro Falastiiniyiinta inay dhulkaas isaga tagaan ay taasi noqon doonto dambi dagaal. Aqalka cad wuxuu sheegay in weli uu madaxweyne Trump ku adkaysanayo aragtidiisa.
Saraakiil ka kala tirsan Maraykanka iyo Israa’iil oo ka gaabsaday in magacooda la sheego ayaa xaqiijiyey in xiriirro lala sameeyey Soomaaliya iyo Somaliland, halka uu Maraykanku sidoo kale xaqiijiyey Sudan. Waxay sheegeen in aysan caddayn inta ay le’eg tahay horumarka ilaa hadda la sameeyey, iyo heerka wadahadallada dhacay.
Xiriirro gooni-gooni ah oo Maraykanka iyo Israa’iil ay seddexdaas dhinac la sameeyeen ayaa billowday bishii hore, maalmo ka dib markii uu Trump soo bandhigay qorshaha Qasa ayadoo uu la joogay Netanyahu, sida laga soo xigtay saraakiil Maraykan ah oo sheegay in Israa’iil ay hogaanka u qaban doonto wada xaajoodyadaas.
Israa’iil iyo Maraykanka ayaa labadaba waxay “hayaan” noocyo kala duwan oo dhiirri galin ah sida ay sheegtay wakaalaadda AP, kuwaasoo isugu jira kuwo maaliyadeed, kuwo diblomaasiyadeed iyo kuwo amni oo loogu yaboohayo bahwadaagta.
Farsamadan ayaa ah mid uu Trump isticmaalay shan sano ka hor markii uu dhexdhexaadiye ka noqday heshiiskii ‘Abraham Accord’, markaasoo tiro heshiisyo faa’iidooyin wata ay dhex mareen Israa’iil iyo afar dal oo carbeed.
Aqalka cad ayaa ka gaabsaday inuu faallo ka bixiyo dadaallada xiriirrada lagu sameeyey.
ISHA: Associated Press