22nd December 2024 admin Category :
Diiwaangelinta Maleesiyaadii Mar Caydiid uu taliyaha ka ahaan jiray oo ay isaga danbeeyeen inta badan dagaal oogayaashii Soomaaliya soo maray ayaa maanta RW Xasan Cali diinwaan gashaday oo waqtiyadan danbe u dhaqmayey sidii Indho cade iyo Yalaxoow
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Xasan Cali Khayre ayaa maanta Magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga bilowday diiwaan gelinta Maleeshiyaadka beelaha Habar gidir iyo Murursade si ay uga mid noqdaan Maleeshiyo beeleedka Hawiye ee loogu yeedho ciidanka qaranka.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Xasan Cali Khayre oo qayb galay Munaasabadda daah-furka qaramaynta iyo diiwaan gelinta ciidanka dowladdu ay kala wareegtay beelaha Hawiye , ayaa u mahadceliyay Ahlu Sunna iyo guud ahaan hoggaanka Galmudug, waxa uuna sheegay in Galmudug ay direyso farriin cad oo ah in ay astaan u tahay “Jiritaankeena”.
Ra’iisul Wasaaaraha ayaa caddeeyay in askari kasta ee la diiwaan geliyo uu xuquuqdiisa ka helayo dowladda Soomaaliya, saraakiisha ciidanka Ahlu Sunna iyana ay kamid noqonayaan saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dalka, ayna ka howl gelayaan deegaan kasta oo dowladdu u dirto in ay ka shaqeeyaan.
Ciidamada Ahlu Sunna ee diiwaan gelinta maanta lagu billaabay ayaa lagu kala darayaa qaybaha uu ka koobanyahay ciidanka qalabka ee dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana la marsiinayaa hab-raaca diiwaan welinta habka Bio-metric kaas oo horseedaya in arkari kasta xogtiisa oo dhammaystiran la keydiyo.
Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxa fulinta Ahlu sunna, xildhibaanno, wasiirro, wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga midawga Afrika u qaabishan Soomaaliya, Francisco Madeira, iyo ergayga gaarka ah ee IGAD, Mohamed Ali Guyo.