7th September 2024  admin  Category :

RW Khayre oo Boqolaal ka mid ah Maleeshiyaadka Beeshiisa u diray dalka Eritrea, si halkaas loogu soo tababaro

Boqolaal ka mid ah maleeshiaadka Beelaha Hawiye ee lagu sheego inay yihiin ciidan Qaran ayaa loo qaaday dalka Eritrea, si halkaas loogu soo tababaro

Sida wararku sheegayaan Maleeshiyaadkan tababarka loogu qaaday Eritrea ayaa lagu sheegay inay gaarayaan 500 illaa 600 oo askari, kuwaasoo ah Maleeshiyo beeleedka beesha RW Khayre in yar oo ka soo jeeda beesha Raxanweyn oo lagu qurxiyey.

Maaha markii ugu horaysay ee Maleeshiyaad ka soo jeeda beeshan tababar loogu qaado dalka dibadiisa , horay ayeey u jireen Maleeshiyaad beeshan ah oo tababaro loogu qaaday Turkiga, Jabuuti iyo Uganda oo sanadihii u dambeeyay kumanaan Mooryaan loogu soo tababaray.

Eritrea ayaa horay u taageeri jirta Kooxaha ka soo horjeeda dowladdnimo Soomaaliyeed Sida Muqaawimaddii, Dagaal oogayaashii, Maxaakiimtii iyo Alshabaab , arrintaas iyo arrimo kale darteed ayeey ku muteysatay in cunaqabateyn loogu soo rogo muddo 10 sano ah, oo caalamka intiisa kale ugu jirtay go’doon. Lama garan karo waxay hadda Ereteriya u codsatayay inay u soo tababarto maleeshiya Beeleed ay horay xiriir u lahaayeen

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*