20th September 2024  admin  Category :

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay danjiraha dalka Ingiriiska Marwo Kate Foster.

Amb. Kate Foster ayaa Guddoomiyaha Golaha la wadaagtay in dowladooda ay si weyn u soo dhaweyneyso shirka dib u heshiisiinta uu ku baaqay Guddoomiyaha oo dhowaan la filayo inuu ka dhaco magalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed. Sidoo kale Marwo Kate ayaa sheegtay in ay taageerayaan horumarinta Baarlamaanka JFS.Ku-simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha ayaa boggaadiyay dadaalada dowladda Ingiriiska ay ku taageereyso dowladda Soomaaliyeed iyo garab istaaga shirka dib u heshiisiinta degaannada Koonfur Galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*