21st September 2024  admin  Category :

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY GUDDOONKA IYO GUDDIGA JOOGTADA AH EE GOLAHA SHACABKA BFS

Muqdisho, Diseembar 05, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddoonka iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu uga warbixiyey halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa xusay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay udub-dhexaad u yihiin qorshaha dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab, maadaama ay wakiil u yihiin shacabka Soomaaliyeed ee la rafaadsan dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan argagixisada Khawaarijta ah ee Alshabaab.

May be an image of 2 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 6 people, people sitting and indoor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku boorriyey Guddoonka iyo Xildhibannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay dardar-geliyaan ansixinta sharciyada iyo siyaasadaha hortabinta u leh dowladnimada ee Xukuumaddu ay u soo gudbinayso, lana xoojiyo wada-shaqeynta goleyaasha dowladda.

Kulankan waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiye Kuxigeennada Koowaad iyo Labaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Samatar iyo Mudane Cabdullaahi Cumar Abshir.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*