19th March 2024  admin  Category :

Madaxweyne Farmaajo oo safarkiisii ugu dheeraa ku tagaya dalka Shiinaha

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa horaanta bisha soo socota ee September tagi doona dalka Shiinaha, kaasoo noqon doonaa safarkiisa ugu dheeraa ee uu galo tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galaya Shirka Iskaashiga ee Shiinaha iyo Afrika oo 3-da bisha September ka furmaya magaalada Beijing, kaasoo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Shiinaha Ji Jinping.

Dowladda Soomaaliya ayaa la soo gaarsiiyay martiqaad rasmi ah, waxaana la filayaa in Madaxweyne Farmaajo safarkiisii u horeeyay ku tago Shiinaha, gaar ahaan magaalada Beijing oo uu shirka ka furmo doono.

Ka sokow Shir madaxeedka Afrika iyo Shiinaha ayaa waxaa jiri doonaan shirar kale oo ay yeelanayaan Ganacsatada ka socota Afrika iyo kuwa Shiinaha, sidoo kale wariyeyaal ka socda Afrika ayaa lagu casuumay shirkan.

Shirka Madasha Iskaashiga ee Shiinaha iyo Afrika oo saddexdii sano mar la qabto ayaa shirkii ugu dambeeyay waxaa sanadkii 2015 lagu qabtay magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika.

Shiinaha iyo Afrika ayaa leh xiriir qoto dheer iyo iskaashi dhaqaale oo aad u ballaaran, waxaana 10-kii sano ee u dambeeyay sii xoogeysanayay saameynta Shiinaha ku lahaa Afrika oo dalal badan oo uu Mareykanka ka mid yahay kula loolamayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*