23rd October 2024  admin  Category :

Haddii ay ciidan Qaran ahaayeen maxaa loogu diray madaxda iyo Saraakiisha beesha Abgaal. Maxaase iyaga ka wada dhigay hal beel

Wasiiro ka soo jeeda beesha Abgaal oo ka mid ah  golaha wasiirada Soomaaliya, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Maleeshiyo beeldka Muqdisho ee madaxweyne Farmaajo u yaqaan Ciidan Qaran  ayaa loo diray degmada Balcad, halkaasoo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad beeleed ka mushaar qaata dawladda oo horay sheegi jiray inay difaacayaan alshabaab

Xubnaha Wasiirada iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka warfaafinta Daahir Geelle iyo Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Jen. Odawaa Raage.

Wafdigan ayaa la sheegay inay Saraakiisha iyo Ciidamada kula kulmi doona deegaanka Ceel Cadde oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka soo baxay deegaano ka tirsan degmada Cadale, waxaana ay sidoo kale u gudbi doonaan degmada Balcad, gaar ahaan Xerada Hiilweyne.

Image may contain: 6 people

https://allsanaag.com/cabdi-shakuur-yaa-siiyey-ciidanka-uu-dhoolatuska-ku-samaynayo/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*