23rd December 2024  admin  Category :

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii danbe 25 october 2017 sagootiyey 204 arday oo deeq waxbarasho ka helay dalalka Ethiopia iyo Suudaan, waxaana ay ardaydani isugu jirtaa ardayda sanadkani kaalmaha hore ka galay imtixaanka shahaadiga ah ee dawladda Puntland iyo arday shaqaalaha dawladda ah oo deeqdaasi ku guulaystey imtixaan kadib.

Sagootintani ardayda oo ka qabsoontay jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha iyo Tacliinta sare ee Puntland, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, Qunsulka dalka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, waalidiin, waxgarad, aqoon yahano iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa  ugu horayn mahad balaadhan u caliyey dawladda Ethiopia oo deeqda ugu badan siisay ardayda sanadkan 2016- 2017 ka qalin jebiyey imtixaanka shahaadiga ah ee dawladda Puntland oo tiradoodu dhantahay 150 arday halka suudaan ay siisay 54 arday guud ahaan ardayda maanta la sagootiyey ayaa dhammaa 204 arday, waxaana sanadkan gudihiisa deeq waxbarasho kahelay dalka dibaddiisa 410 arday, dalalka deeqaha waxbarasho siiya Puntland ayaa waxaa kamid ah Ethiopia, Suudaan, Maser, India, Russia, iyo chine.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa ugu hambalyeeyey ardayda maanta la sagootiyey guusha ay gaadheen, isla markaana waxa uu Madaxweyunu xusay in uu marlabaad ugu hambalyaynaayo kartida iyo aqoonta ay kaga soo dhexbaxeen kumanaan arday ah oo ay isku sanad dugsiyeed ahaayeen.

Madaxweynaha ayaa xusay in  ardayda wax ku barata gobolada kala duwan ee Puntland aanay isku xaquuq ahayn isagoona u sababeeyey in tayada waxbarasho, kharash iyo mid degaanba ay ku kala duwan yihiin, isla markaana ardayga lagu qiimeeyo dedaalkiisa iyo natiijadiisa imtixaanka shahaadiga ah iyadoo si cadaalad ah loo simayo dhammaan ardayda reer Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xusay inaanay dhicin dhicina doon in arday natiijo imtixaan iyo mid fursad waxbarashoba la duudsiiyey, waxaana uu Madaxweynuhu sheegay in aanay jirin cadaalad daro ka xun arday wax soo baranayey 12 sano in la duudsiiyo fursad wabrasho oo uu xaq u leeyahay . isla markaana waxa uu Madaxweynuhu soo tusaale qaatay arrin dhexmaray isaga iyo nin Ambassador ah.

“Nin Ambassador ah ayaa iiyimid Walaahay wuxuu igi yidhi mahaysaa dad ehelkaaga ah oo aanu deeq waxbarasho siino, runtii waan naxay sababtoo ah waan qaadan kari waayey areygaas, waxaan ku iri Ambassador aniga ehelkaygu waa Puntland, ehel gaara oo aan anigu leeyahay ma jirto” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay ardayda inay noqdaan kuwo wax u soo barta dalkooda iyo dadkoodaba, kana fekera sidii ay mustaqbalka wax ugu soo kordhin lahaayeen dalkooda maadaama ay yihiin jiilka berito dalku sugayo inay hantaan hogaaminta dalka, isagoona shahaado sharaf guddoonsiiyey qunsulka dalka Ethiopia iyo wasaaradda Waxarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*