7th September 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Pakistan oo ka hadlay weriye dalkiisa u dhashay oo lagu toogtay Kenya

Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay in la toogtay weriye caan ah oo u dhashay dalka Pakistan.

Arshad Shariif ayaa xaley lagu toogtay magaalada Kajiado oo aan sidaa uga fogeyn Nairobi.

Afhayeenka booliska Kenya ayaa sheegay inay baarayaan sababta ka dambeysay dilka weriyaha.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in weriyaha la toogtay xilli jidgooyo loo dhigay waddada isku xirta Nairobi iyo Magadi.

Xaaska weriyaha ayaa barta Twitter-ka ku xaqiijisay in seygeeda lagu toogtay gudaha Kenya.

Weriye Arshad Shariif ayaa warbixinno ka diyaarinayay eedeymo musuq maasuq iyo eedeymo ka dhan ah saraakiisha Pakistan taasoo horseeday in mas’uuliyiinta ay dhibsadeen.

Inta uusan dhiman weriyaha wuxuu ka shaqeynayay warbixin dabagal ah oo ay kasoo muuqanayeen weriyeyaal ka socda qeybo caalamka taasoo lagu eegayay eedeymaha ku aadan kooxo dambiilayaal ah oo abaabulan oo saraakiisha Pakistan xiriir la leh.

Booliska Pakitsan ayaa dacwad ku saabsan in weriyaha uu falal hurin horey uga gudbiyay kadib markii wareysi muran badan dhaliyay uu la yeeshay nin mucaaradka u ololeeyo.

Madaxweynaha Pakistan Arif Alvi ayaa sheegay, “geerida Ashraf waxay dhibaato weyn ku tahay bahda saxaafadda iyo Pakistan, Allaha u naxariisto, qoyskiisana iyo taageerayaashiisa samir iyo iimaan Allaha ka siiyo”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*