29th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo xalay ku geeriyooday magaalada Garoowe.

Madaxweynaha oo xusay doorkii muuqday ee Garaad Saleebaan uu kasoo qaatay dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyey Isimada iyo hoggaanka dhaqanka dowlad Goboleedka Puntland geerida ku timid Marxuumka oo ka mid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed ee laf-dhabarka u ahaa aasaaska dowladnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan uu ka siiyo.

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*