20th September 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay safiir ku-xigeenka Maraykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo kulan kula qaatay safiir ku xigeenka Maraykanka ee Soomaaliya Amb. Tim Trenkle oo safar shaqo ku yimid Jubbaland.

Kulanka oo sidoo kale ay ka qeybgaleen Wasiirada Qorshaynta, Amniga, Arimaha gudaha iyo Madaxtooyada ayaa lagaga hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha khawaariijta ah iyo dagaalka dib loogu xoraynayo deegaanada Jubbaland oo howlgalo isbada joog ah ay ka wadaan Ciidamada Jubbaland.

Sidoo kale Waxaa Kulanka lagaga hadlay xasilinta deegaanada laga xoreeyay Argagixisada iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada aas aasiga ah bulshada ku nool deegaanada la xoreeyay.

Waxaa kale oo Kulanka lagaga hadlay arrimaha gargaarka iyo sidii xal waraa loogu heli lahaa musiibooyinka dabiiciga ah isla markana loogu caawin lahaa dadka dhibanayaasha u ah sidii ay uga soo kaban lahayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*