7th September 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo taariikhdu tahay 23 November 2018 waxaa sidiiran loogu soo dhoweeyay Magaalo xeebeedka Garacad ee gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo maanta gelinkii hore ka anbabaxay magaalada Garoowe ee caasumada Dowladda Puntland ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinayey Guddoomiaye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Dowladda Puntland, Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam ku-xigeenkiisa 2aad Xuseen Xaaji Diiriye, qaar kamid ah golayaasha Dowladda Puntland, iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa markii ay kasoo degeen garoonka diyaaradaha Garacad waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay maamulka Gobolka Mudug, Isimo, waxgarad, ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool deegaanka Garacad.

Soo dhoweynta kadib Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa usii gudbay gudaha magaalada, halkaasi oo ay ku sugnaayeen qaybaha kala duwan ee bulshada, qaar kamida isimada dhaqanka ee Dowladda Puntland iyo xildhibaano katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo si diiran usoo dhoweeyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo weftigii balaadhnaa ee la socdey.

Booqashada Madaxweynaha ee Garacad ayaa la xadhiidhtay sidii uu u daahfuri lahaa mashaariic hormarineed oo lagu dhisayo qorshaha isku tashiga shacabka iyo Dowladda Puntland ee ay hormuudka u tahay xukuumadda Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, iyadoona maanta uu Madaxweynahu ka daah furey dhismaha Dekedda magaalada Garacad.

Dhismaha dekedda ayaa dhererkiisu yahay 636m, ballaciisuna 50m iyo joogeeda hoosena yahay 11.5 ilaa 14.5m, iyadoona ay ku bixidoonto lacag gaadhaysa 40 Milyan oo dollar, islamar’ahaantaana ay dhisi doonto shirkad laga leeyahay wadanka Turky oo la yidhaahdo TTN.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo hadal kooban ka jeediyay xafladda dhagax dhigga dekedda Garacad ayaa yiri”

“Aad iyo aad baan idiin salaamayaa dhammaantiin , aad iyo aad bayna noo farxad gelinaysaa inaan kasoo qayb galno maalintaan taariikhiga ah iyo bilowga dhismaha Dekadda Garacad, aad ayaan uga mahad naqayanaa marti qaadka iyo soo dhaweynta, waxaan si gaara ugu mahad celinayaa qaban qaabiyayaasha xafalada oo ay ugu horeeyaan guddiga dhismaha ee wadaagsin, aad iyo aad ayey ugu mahadsanyihiin guddigaas oo daruufo kala duwan ku soo shaqeeyey shaqadii wanaagsaneed iyo dhabar adaygii waa ku mahadsanyihiin, waxaan aad ugu mahadnaqayaa isimada Puntland iyo kuwa Gobolka Mudug oo runtii laf dhabar u ahaa oo runtii dedaal iyo juhdi badan galiyey in mashruucaan uu hir galo oo aan qiyaasayo in la’aantood howshaas ay bilaamato ay adkaan lahayd” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegey in laga fogaado hadalada xanafta leh ee kala fogeynaya dadka isla’markaana dadka Puntland ay yihiin dad ehel ah, isku dhiig ah, isku dhacaana, aysan kala lahayna magaalo iyo gobol ayna u simanyihiin horumarka dalka.

                                               

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*