9th October 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dalka Oo Booqday Xarunta Lagu Tababarayo Ciidanka Badda Soomaaliyeed Ee Jooga Ereteriya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo dhigiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa kormeeray xerada ay tababarka ku qaadanayaan Ciidanka Badda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ereteriya.

Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageystay Taliyeyaasha  Ciidanka Badda ee tababarka u jooga Ereteriya iyo sida ay diyaarka ugu yihiin difaaca iyo xoreynta dalka.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada ayaa  ku bogaadiyey ciidankan dadaalka, aqoonta iyo kartida ay muujiyeen, inta ay tababarka ku jireen, waxa uuna u sheegay in ay yahiin tilmaamihii lagu yaqaanno Ciidanka Badda Soomaaliyeed.

Madaxwayna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqashada kaddib waxaa uu dib ugu soo laabtay dalka, isagoo uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka Ereteriya soo dhaweynta iyo qaabilaadda wanaagsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*