5th June 2025  admin  Category :

Madaxweynaha Chad: Waxaan joojinaynaa dalku galka Muwaadiniinta Maraykanka

Isaga oo ka jawaabaya xayiraada socdaalka Trump ayaa madaxweynaha Chad Mahamat Deby uu sheegay inuu ku amray dowladiisa inay joojiso dal ku gal siinta muwaadiniinta Maraykanka ee tagaya dalkaasi.

Chad waxaa ay ka mid tahay 12 ka dal ee mamnuucitaanka buuxa ee socdaalka uu saaray Trump ee ka bilaabanaysa June 9.

‘’Chad ma leh wax qorsha ah oo ay bixiso, ama bilyano doolar , laakiin waxaa ay leedahay Sharaf, waana ku faraxsan tahay.’’

Sababta xayiraada socdaalka ay Chad qayb muwaadiniinteedu uga noqdeen ayaa ah fisa-ha muddada uu wakhtigiisu dhaafay.

Wasiirka Arimaha Dibadda Chad, Abdoulaye Sabre Fadoul ayaa u sheegay AFP in dalkiisu uu ‘’ la yaabay ku dhawaaqistan , gaar ahaana sababta la xiriirta argagixisada (taasi) oo gabi ahaaba xushmad dareynaysa ka go’naanshaha Chad iyo natiijooyinka la xiriira dhinacan’’.

Laakiin Trump ayaan xusin argagixisnimo ay sabab u tahay mamnuucitaanka socdaalka dalal ay Chad ka mid tahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*