20th September 2024  admin  Category :

Xingalool, Sep 17,2024: Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland Siciid Jamac Qorsheel oo ka mid ah waftiga gudoomiyaha barlamaanka Puntland Hon Abdirisaaq Ahmed Said ku weheliyay safar uu ku marayay gobolada Haylaan iyo Sanaag ayaa galabta kormeer ku tagay Isbitaalka degmada Xinglool ee gobolka Sanaag.

Waxaa isbitaalka ku soo dhaweeyay isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Haylaan Jamac Maxamed Samatar iyo agaasimaha isbitaalka Dr Abdirisaq Abdullahi Yusuf (Japan) iyo shaqaalaha isbitaalka, wasiirka ayaa warbixin ka siiyay gudoomiyaha shaqada ka socota isbitaalka iyo adeega uu bixiyo.

Gudoomiyaha iyo wasiirka ayaa si wadajir ah u booqday qaybaha kala duwan ee uu Isbitaalku ka koobanyahay sida qaybta caruurta, qaybta bukaan socodka, qaybta bukaan jiifka, qaybta caafimaadka degdega ah, qaybta hooyada iyo dhalaanka iyo qaybta nafaqo quudinta iyo nafaqo darada iyo qaybta qaliinka.

Gudoomiyaha ayaa wasiirka iyo maamulka caafimaadka gobolka ku bogaadiyay warbixinta laga siiyay isbitaalka waxaana uu wasaaradda caafimaadka ku amaanay in dadaalbadan galisay gaarsiin adeeg caafimaad oo dhamaystiran dhamaan degmooyinka ka baxsan laamiga waxaana uu kula dardaarmay in shaqada lasii horumariyo bulshadana adeega loo sii dhaweeyo.

Guddoomiyaha waxaa booqashada ku weheliyay xubno iskugu jira laba gole ee dawladda Barlamaanka iyo xukuumada, Waxaa sidoo kale qayb ka ahaa agaasimaha Qorshaynta wasaaradda Idiris Abdulaahi Mohamed iyo masuuliyiin caafimaadka heer gobol iyo heer degmo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*