18th October 2024  admin  Category :

DAAWO-Madaxdii Garoowe Ku Shiray oo Ka Warbixiyey Iskaashigooda Cusub.

Xalay waxaa xarunta wasaaradda maaliyadda dowladda Puntland ee Garoowe lagu qabtay shir saddex geesood ah oo u dhexeeya madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Hirshabeelle iyo koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shirkaan oo ahaa kii ugu horeeyey ee dhexmara hogaamiyayaasha saddexdaan maamul ayaa waxaa diiradda lagu saarayey arrimaha ammaanka, ganacsiga, xiriirka maamulada, arrimaha Soomaaliya iyo iskaashi horleh oo ay yeeshaan dhinacyada kala duwan ee ka qaybgalay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa ugu horayn shaaca ka qaaday in Puntland ay ku faraxsan tahay qabashada shirkaani, wuxuuna tilmaamay inay rajaynayaan inay sii socdaan si loogaga hadlo xaaladaha taagan.

Cabdicasiis Lafta-gareen madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu Puntland ku ammaanay doorkeeda doonista dowladnimada Soomaaliya, isagoona faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey arrimaha looga hadlayo shirkaani.

https://youtu.be/Oqdeu4JpIWg

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*