16th September 2024  admin  Category :

Madaxweyne ku-xingeenka koowaad ee Dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo wafti uu hogaaminaayo uu kamid yahay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubbaland Mudane Cabdiraxman Cabdi Axmed ayaa maanta ka qayb galay shir caalami ah oo ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda Dalka Uganda.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa Siyaasadda maamulka iyo maareeynta arrimaha Dulka, Adkaynta arrimaha cadaaladda, Arrimaha deegaanka iyo isbadalka Cimilada.

Waxaana shirka qayb ka ah wafti ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

May be an image of one or more people, people standing and indoor
May be an image of 1 person and standing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*