8th September 2024  admin  Category :

Mar kale oo kooxdii SNM gacanta ku dhigeen Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya

Waxaa Maanta si rasmi ah xilkiisa ula wareegay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Xilwareejinta ayaa  waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Madaxda kale ee Wasaaradda.

Wasiirkii Hore Wasaaradda Warfaafinta Daahir Maxamuud Geele ayaa xilka ku wareejiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” isagoo sheegay in Warfaafintu heyso Shaqo badan oo aad muhiim ugu ah dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan xilkii Wasaaradda ku wareejiyo Wasiirka cusub waxaan u rajeynaa in uu shaqada meesheedii kasii wado meel fiican ayaana ugu imid ugana tagaa” ayuu yiri wasiirkii hore ee warfaafinta

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*