26th April 2025  admin  Category :

RW Xamze oo Xamze oo doonaya inuu kala qybiyo Bulshada Sanaag

Warbixin iyo talo jeedin

Dhamaan madashada waa salaaman tihiin si kal iyo laab ah magacayga waxa la yiraahdaa cali maxamed , nta aan i garanayn waxaan ka mid ahaa odayaashii ka yimi Maakhir(Sanaag) oo laascaanood yimid , qofba wuxuu doono hanaga aaminsanaadee, waxaan u nimi maslaxad guud oo ah inaan raysul wasaaraha iyo wefdigiisa oo uu ku jiro wasiir Geesood kala hadalo degaanka Maakhir iyo waxay dawladu la qaban karto W

axayna noo sheegeen inaanay maamul gaar isu taaga noqon karin Maakhir, nidaamka dawladnimo ee Soomaaliyana uu wax la qaban karo maamul goboleed (state) keliya, sidaa darteed ay dawladu danaynayso inaad Khaatumo wax wada dhisataan isku duruufna waa tihiin dhul lagu muransan yahayna (dispute area) waxaad kaga bixi kartaan maamul idiin gaara haddii aad samaysataan labadiina gobol oo keliya, kala goynta dalkana sidaas baa lagaga hortegi karaa.

Wuxuu kale oo noogu daray inaanay khasab ahayn in reer Maakhir Khaatumo wada noqdo degaan balaadhana Maakhir tahay intii ay wax wada dhisan karaan Khaatumo wax hala dhisato Puntland na kama guuri kartaane ciddii ku jirta u daaya puntland iyo ciddii ku qanacsanba.

Sidoo kale waxaan la kulanay madaxweyne Firdhiye , isimada gobolka intii joogtay iyo siyaasiyiin kaleba waxay noo sheegeen inay inoo baahan yihiin inagoo isku duruuf ahna maamulka diyaar inoola yihiin inaan wada dhisano weliba wax hore aan lasoo qaadayne wax bilaw ah laysugu imanayo. waxaan kale oo is aragnay ergada ka socotey maamulka maakhir oo badhan lagu doortay qaybo ka mid ah waxaan isla qaadanay in si mugleh wax loola dhisto khaatumo khilaafaadka jirana hoos loo dhigo ama loo dhameeyo isku ujeedo iyo isku dana waa u soconey hadaan is waraysanay. waxaan suladaanka guud la hadalsiinay madaxweynaha iyo isimada qaarkood wayna is fahmeen waana balameen intaan ognahay inuu dawladda federalka iyo khaatumoba wada hadlaan TALO SOO JEEDIN

  1. Madashan iyo dhamaan reer maakhir in shirweyne guud laysugu yimaado haddii uu qabsoomo shirka 20ka may cidna lagama leh halagasoo qayb galo, haddii shirkaasi qabsoomi waayo shir kale ayaan ku baaqaynaa.
  2. In laga shaqeeyo inta shirka ka horaysa sidii loo mideyn lahaa dhaqanka maakhir oo laysugusoo dhowen lahaa si loogu midoobo danta guud haddii laysla wada waayo intii suurtowda.
  3. Jaaliyadda reer maakhir inay si mug leh ugasoo qayb galaan shirka, talada masiiriga ah ee maamul dhisidda iyo awood qaybsiga gaar ahaan siyaasiyiinta iyo aqoon yahanka.
  4. Xildhibaanada inagu metela dawlada federalka ,wasiirka iyo cid kasta oo dawladda ku xidhan inay qadiyada maakhir ka shaqeeyaan iyo la midowga khatumo.

GUNTII IYO GEBAGABADII Waxaan ka codsanayaa dadka madashan ku jira inay ka fogaadaan wixii kala fogaynaya reer maakhir mudane qoraalkaaga iyo codkaaga tolka ku miday laakiin haku kala qaybin ilaahayna uga baq. Madasha dhaliil badan bay leedahay dadkii aan ugu imi iyagoo ka talinaya golaha badankoodii waa isaga bexeen in badanina waxay ka xishoodeen inay madasha tolka ka baxaan laakiin way iska aamuseen markay arkeen sida wax uga socdaan qolyaha maamulkana dhawr goor baa lala hadlay. ALLAH AYAA MAHAD DHAMAANTEED LEH

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*