7th October 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo magacaabay WasiiroMadaxweynaha Koonfur Galbeed,

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa saqdii dhexe ee xalay sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis qaar ka mid ah xubnihiisa Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo sidoo kale Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Shaqada & Shaqaalaha.

Cabdullaahi Maxamed Aadan ayaa loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, halka Cumar Cabdiraxmaan Maxamed loo magacaabay inuu noqdo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Shaqada & Shaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu Cabdifitaax Cali Yuusuf u magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, saacado uun ka dib markii uu xilkaasi iska casilay Ilyaas Cali Nuur, oo horey ugu magacawnaa Wasiirka Warfaafinta.

Muuqaal uu soo duubay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Maxamed Cali Ibraahim (Bandhabow), laguna baahiyay bogga Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Facebook ayaa lagu shaaciyay xil ka qaadista iyo magacaabista xubnahan.

Tani ayaa imaanaysa, xilli Madaxweyne Laftagareen uu xalay ku hoyday Magaalada Muqdisho, halkaasoo lagu wado in uu kaga qaybgalo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, oo Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ay kaga arrinsan doonaan arrimaha amniga dalka iyo hawlgalada dalka ka socda, waana xilli ay Magaalada Baydhabo ka taagan tahay xiisad ka dhalatay Madaxweyne Laftagareen oo muddo xileedkiisii dhameystay 19-kii bishan, inkastoo uu ku andacoonayo in Xildhibaanada Baarlamaanka ay muddo kordhin u sameeyeen.

461461109 comments12 sharesLikeCommentShare

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*