20th September 2024  admin  Category :

RW Xamze oo u lugeeyey Huteelkii ay deganaayeen Siyaasiyiinta Majeerteen

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa caawa orod ugu tagay Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa isla soo qaaday qoddobo dhawr ah oo ay ugu horreeyaan xaaladda amniga iyo gurmadka abaaraha.

Kulanka ayaa waxaa ka weheliye madaxweyne Deni Odayaal kale oo Majeerteen sida La taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Dib U Heshiisiinta, Cali Cabdi Awaare iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifataax Maxamed Cabdinuur.

RW Xamze , oo ku fadhiya kursiga ugu sareeya ebeesha Daarood, sida ay Soomaalidu wax u qaybsato, waxay ahayd marka hore in isaga loo tago, qaab kasta ha loogu tagee,

Ugu danbayntii waxa nasiib xumo ah in RW Xamze u haysto in Puntland tahay maamul beeli gaar u leedahay, Sida muuqata wuxuu M. Farmaajo diiday oo lagu colaadiyey ayuu isagu raali ka yahay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*