28th March 2024  admin  Category :

Mukhalas dadka tahriibiya: Ka hor inta aysan khatarta u bareerin foom ayay dadku saxiixaan

Mukhalas dadka wax tahriibiya ayaa sheegay in qorshaha dawladda UK ee ah in magangelyo-doonka loo diro Rwanda aanu ahayn mid ka hor-istaagaya macaamiishiisa. Weriye ka tirsan BBC-da, Jane Corbin ayaa kula kulantay xaruntiisa Turkiga.

Habeen baa soo galaya waxaana sii  fuulayaa jaranjaro ku taalla  gurri ammaan ah oo ku yaalla waddo qarsoodi ah oo ku taalla magaalada Istanbul, ee Turkiga.

Waxaan halkan u imid in aan la kulmo mukhalaska weyn ee ganacsiga tahriibinta dadka – waxa ay qaadatay bilo in la diyaariyo wareysiga ninka, iyada oo la adeegsanayo dalaal kale oo la aamini karo.

Waa gebagebadii baaritaan ay BBC Panorama ka samaysay sida kumannaan muhaajiriin ah ay ugu dambeeyaan xeebaha koonfurta England iyagoo sheeganaya inay yihiin muhaajiriin.

Ninkan dadka tahriibiya waxa uu ka soo jeedaa Bariga Dhexe, waa nin da’yar oo si dabacsan u hadlaya, kuna labbisan dhar madow oo qurux badan.

Waxa uu aqbalay in uu iiga sheekeeyo ganacsigiisa waa haddii aynaan soo bandhigeyn aqoonsigiisa. Ilaaladiisa gaarka ah waxay si qarsoodi ah u ilaalinayaan guriga bannaankiisa.

Waxa aan weydiiyay in tahriibinta dadka ay sharci darro tahay: “Waan ogahay in tani aysan sharci ahayn,” ayuu yiri, “laakiin aniga waxay ii tahay gargaar dhanka bani’aadannimada – taas ayaa ka qiimo badan sharciga. Dadka waanu caawinaa, si wanaagsan ayaan ula dhaqmaa, haweenka waanu ixtiraamnaa – annagu cidna ma xaqirno.”

Ku dhawaad ​​2,000 oo qof ayaa ku dhintay badda Mediterranean-ka sanadkii hore.

Bishii Abriil, dowladda UK ayaa heshiis £120m ah la saxiixatay Rwanda si ay qaar ka mid ah muhaajiriinta u geyso.  

.

Dawladda UK waxay sheegtay in ujeedadu ahayd in la burburiyo qaabka ganacsi ee dadka wax tahriibiya iyo in la joojiyo tirada badan ee dadka marinka khatarta ah ee kanaalka Ingiriisiga naftooda ku halligaya.

Sanadkan gudihiisa oo keliya, in ka badan 30,000 oo qof ayaa ku gudbay doomo yar yar.

Mukhalaskan dadka tahriibiya ayaa boqolaal muhaajiriin ah u diray UK. Waxa uu si sahal ah u qirtay in ganacsigiisu faa’iido badan leeyahay oo uu sida ganacsiga caadiga oo kale uu u maamulo.

Wax dhib ah malaha haddii ay qoys dhan tahay ama shaqsiba – qof kastaa wuxuu bixiyaa qiime isku mid ah,” ayuu yiri. “Safarka Britain wuxuu ku kicayaa $17,000 guud ahaan.”

Haddaba sidee buu qiil ugu heli karaa in nafta dadka halis la geliyo iyadoo badda lagu gooynayo doomo jilicsan?

“Shilalku way dhici karaan. Laakiin waxaan isku daynaa inaan dadka cabsi gelino si aan uga dhaadhicino,” ayuu yiri. “Waxaan u sheegnaa, ‘Waddadani waa khatar, mana istaahisho in la maro. Waad dhiman kartaa. Waxaa sidaas si lamid ah u sheegnaa waalidka qofka aan tahriibineyno.”

Waxa uu na tusay foom afeef ah oo muujinaya khatarta. Waxa uu inoo sheegay inay dadka ay saxiixaan iyagoo qiraya inay khatarta u bareereen.

Foomka la saxiixayo

Istanbuul waa marinka u dhexeeya Aasiya, Bariga Dhexe, Afrika iyo Yurub – ganacsigan suuqa madow ayaa halkan ku soo badanaya.

Suuqa waa tartan. Baraha bulshada, mukhalasiinta waxay bixiyaan qiimo kala duwan iyadoo ay ku xirantahay meesha loo socdo.

Waxaa jira baasabooro been abuur ah iyo shatiyada wadista gawaarida Ingiriiska oo iib ah. Xitaa waxaa loo diyaariyaa su’aaaha ay weydiin karaan saraakiisha Xafiiska Arrimaha Gudaha ee Ingiriiska marka ay is dhiibaan.

Ninkan wax tahriibiya ayaa macaamiishiisa ku urursada guryo ammaan ah oo ku yaal magaaladan fidsan, oo hoy u ah ilaa shan milyan oo qaxooti ah. Waxa dadka la isugu qolal yaryar, halkaas oo ay bilo ku sugi karaan inta marinkooda la diyaarinayo. Kooxdiisa ayaa cunto iyo biyo uga keena dukaamada waaweyn ee deegaanka ay joogaan.

“Waxaan isugu keennaa guri, waxaana sugaynaa in wax walba la diyaariyo. Marka ay diyaar noqdaanna waxaan ka qaadnaa telefoonadooda si ay booliisku inoo soo raad raacin,” ayuu yiri.

Ka dib muhaajiriinta ayaa habeenkii Istanbuul looga qaadaa baabuur iyagoo la geeynayo buuraha. Waxay u socdaan kooxo lix ama toban ah, ilaa badda Mediterranean-ka, iyagoo la saarayo mid ka mid ah doonyaha wax tahriibiya. Waxayna u sharaacdaan Giriigga ama Talyaaniga.

Muhaajiriinta ayaa ka dib u sii mara Yurub ilaa xeebaha waqooyiga Faransiiska, qaarkoodna, waxay gaaraan hadafkooda ugu dambeeya – iyagoo ka gudbaya kanaalka Ingiriiska si ay u gaaraan UK.

Jane Corbin ayaa baareysay dadka wax tahriibiya ee dadka geeya Britain, waxayna ogaatay micnaha qorshaha dowladda ee ah in magangelyo-doonka loo diro Rwanda si loo yareeyo halista tahriibka.

Ninka dadka tahriibiya ayaa beeniyay, balse waxaa jiray eedeymo loo soo jeediyay isaga oo ahaa inuu doomihiisa uu qof ku dhintay.

Waxa uu na tusay qaar ka mid ah muuqaallada – tobannaan dhallinyaro ah oo ku soo ururay sagxadaha doomaha iyaga oo qaylinaya, oo u mahadcelinaya ninkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*