7th September 2024  admin  Category :

Guddiga dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka ayaa yeeshay kulan shaqo oo ay ka soo qeyb-galeen dhammaan xubnaha guddiga, kulankan ayey xubnaha guddiga diiradda ku saareen cutubyada 5-aad, 6-aad, 7-aad, 8-aad iyo 9-aad ee Dastuurka.

Guddoomiyaha guddiga Burhaan ayaa warbaxin guud ka siiyay xubnaha guddiga geeddi socodka dhamaystirka Dastuurka, ayadoo dood iyo falaqayn laga yeeshay diyaarinta cutubyada 5-aad, 6-aad, 7-aad, 8-aad iyo 9-aad ee Dastuurka iyo dhamaystirkooda.

Gabagabadii, kulanka Guddoomiye Burhaan oo shirka soo xiray ayaa xubnaha guddiga ku amaanay dadaalkooda ku aaddan dhamaystirka Dastuurka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*