19th September 2024  admin  Category :

Soomaaliya in la dhiso, waa mid qof kasta oo Soomaaliya uu u baahan yahay, balse waxaa habboon in la isku dheeli tiro horumarka laga sammeenayo guud ahaan dalka Soomaaliya. Hadaba, burburka dalka Soomaaliya waxa uu sababay in dhaqaalaha wax lagu kalla socodsiiyo badankeeda laga hello dawladdo shisheeye.

Waxaan la soconaa in gurmadkii dawladda Turkiga iyo lacagihii loogu talagalay horrumarinta dalka ay dhammaantood galleen magaalada Muqdisho. Waxaa taa ku xigtay dawladda Qatar oo dhawaan iyana ballan qaaday in ay Soomaaliya ku caawineeyso lacag loogu tallagalay horrumarinta taas oo dhan 200 oo milyan oo doolar.

Hadaba, lacagtaa 200 boqol ee milyan, ayaan soo dhaafi doonin iyadana dhulka ay dagaan beelaha USCda oo horrey uu Turkiga u gelliyey lacagtii dhammeed ee loogu deeqay dalka Soomaaliya. Yaa xaq u siiyey in dhammaan lacagta loogu talla gallay magac Soomaaliyeed in la gelliyo hal beel dhul ay degto?

Lacagtan 200 boqol ee milyan waxeey gelli doontaa wadooyinka Afgooye iyo Jowhar taas oo ay goofafka badankooda ay ku yaalaan, waxaa soo raacda dekkedda Hobyo oo la gellin doono lacag dhan 150 milyan oo doolar, inta yar ee ka soo harta lacagtaas ayaa waxaa la gellin doonaa magaalada Muqdisho.

Hadaba, lacagtaas miyeeysan Soomaalida kalle wax ku laheen? Si kastaba ha ahaatee, Ra’iisal Wasaare Kheeyre ayaa isagu ah shaqsiga ku guuleeystay lacag loogu tallagalay dal dhan in uu galliyo dhulka ay beeshiisu degto, meesha beelaha kalle ay yihiin kuwo daawanaya.

Dadka inta badan ku digriya Nabad iyo Nolol waxaa looga baahan yahay in ay arkaan sida ay wax u maamulayaan kooxdan yar, haddii cadaalad ay jirto maxaa lacagta dhan 200 oo milyan loo gelliyey dhul ay degto hal beel?

Dad badan oo indho la’aan ku taageersan dawladda ayaa u arka Farmaajo in uu yahay nin wadani ah, balse is weeydiinta waxeey tahay qof wadani ah sidee ayuu ku oggolaaday in 200 oo milyan oo ummadda oo dhan ka dhaxeeysa ay dhulkooda uga faa’iideeystaan hal beel. Qof damiir lehse ma yeeli lahaa in sidaa ay wax u dhacaan?

Mar haddii xaalka uu sidaa yahay maxaa loola yaabayaa maamulada kalle ee dalka ka jira in ay u qaraab tagaan meeshii ay iyaguna wax ka hellayaan maadaama dawladdii federaalka ee Muqdisho ay noqotay meel hal reer looga faa’iideeynayo wixii ummadda ka dhaxeeyey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*