16th September 2024  admin  Category :

laba nin oo Somali ah oo lagu eedeeyey inay ku biirayeen ISIS oo lagu maxkamadaynayo Maraykanka

Xafiiska xeer ilaalinta ee gobolka Arizona ee dalkan Maraykanka ayaa faahfaahin ka bixiyey laba muwaadin oo u dhashay Soomaaliya, kuwaas oo lagu eedeeyey inay doonayeen inay ku biiraan ururka ISIS sannadkii 2019, hase ahaatee hay’adaha ammaanka ee Maraykanka ayaa ka warhelay, waxaana xabsiga la dhigay, xilli ay doonayeen inay diyaarad ka raacaan magaalada Tucson ee ay deganaayeen.

Labadan nin oo lagu kala magcaabo Axmed Mahad Maxamed oo 26 jir ah iyo Cabdi Yemeni Xuseen oo 25 jir ah, ayaa la sheegay inay qirteen dembiga lagu soo oogay, waxaana la filayaa in maxkamad la soo taago bisha October 11-keeda ee sannadkan 2024.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska xeer ilaalinta ayaa lagu sheegay in labadan eedaysane ay qaateen heshiis maxkamadeed, kaas oo dhigaya in dalka Maraykanka laga masaafuriyo, isla markaana loo diro Soomaaliya oo ay asal ahaan ka soo jeedaan, taas bedelkeeda ay halkaas ku qaataan xabsigooda ama xukunka lagu rido.

FAAHFAAHINTA SHEEKADOODA

“Laga soo bilaabo dabayaaqadii sannadkii 2018 illaa laga soo gaaro bishii July 26-keedii ee sannadkii 2019, oo ahayd markii la xiray, Axmed iyo Cabdi, waxay maleegayeen ama qorshaynayeen sidii ay ugu socdaali lahaayeen dalka Masar, si ay uga barbar dagaalamaan kooxda ISIS ee ka dhisnayd gacanka Sinai” Sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska xeer ilaalinta.

Sida uu sheegay xafiiska xeer ilaalintu, bilawgii bishii August ee sannadkii 2018, Axmed wuxuu baraha internetka ka dhex raadiyey xubnaha taageersan ururka ISIS, isaga oo xilligaas la wadaagayey inuu rabo, inuu u safro deegaanada ay maamusho ISIS, si uu u noqdo “ninka dadka madaxa ka gooya” ka dibna uu doonayo inuu shahiido.

Axmed ayaa intaas ku daray, in hadafkiisa ugu weyni uu ahaa inuu maruun u safro dalka Syria, si uu ugu biiro kooxda ISIS, isla markaana uga qayb qaato jihaadka, isaga oo sidoo kale tilmaamay in saaxiibkiisna uu sidaas si la mid ah rabay inuu isna u safro debedda, si uu ISIS ugu biiro.

Axmed iyo Cabdi ayaa sannadkii 2019, u kulmay si fool ka fool ah, si ay uga wada xaajoodaan qorshayaashooda. Axmed ayaa ku adkaysatay in hadafkoodu ahaa inay ISIS uga dagaalamaan wadamada debedda. Sidoo kale Cabdi ayaa u sheegay Axmed, inay tahay inay kala doortaan laba arrimood, oo kala ah, ama inay gaadhaan, dhulka ay ISIS ka taliso, ama inay xabsi galaan”, wuxuuna soo jeediyey, in haddii laga hor istaago inay debedda u safraan, inay weeraraan Aqalka Cad ama madaxtooyada Maraykanka.

Bishii June ee sannadkii 2019 ayaa Axmed iyo Cabdi waxay bilaabeen qorshaha safarkooda debedda, si ay ISIS ugu biiraan. Labadooduba waxay iska iibiyeen gaadiidkii ay lahaayeen, iyaga oo gatay tigidho diyaaradeed oo ka baxaya magaalada Tucson ee gobolka Arizona ee ay deganaayeen, iyaga oo ku jihaysnaa magaalada Qaahira.

Subaxnimadii hore ee bishii July 26-keedii ee sannadkii 2019, waxaa labadan eedaysane ay tageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Tucson, iyaga oo ka gudbay baadhista amniga, waxayna gaadheen albaabka diyaaraddu ka duusho.

Axmed waxa uu xilligaas sitay lacag gaadhaysa illaa $10,000, taasoo qorshohoodu ahaa, in isaga iyo Cabdi ay ku isticmaalaan safarkooda, qaybna ay hub ku iibsadaan.

Qorshaha Axmed iyo Cabdi ayaa ahaa, marka ay gaadhaan magaalada Qaahira, inay la heshiiyaan mukhalasiinta, si loogu tahriibiyo dhulka ay maamusho ISIS.

Inkasta oo ay qorshahooda dejisteen, haddana waxaa dusha kala socday hawlaha ay ku dhex jiraan, laamaha ammaanka ee Maraykanka. Albaabka diyaaradda laga raacona, waxaa ku sii sugayey saraakiin ka tirsan hay’adda dembibaadhista ee Maraykanka ee loo yaqaano FBI, iyaga oo xabsiga dhigay, markii ay is yidhaahdeen diyaaraddii fuula.

Labadan nin ayaa lagu soo oogay, dembi ah inay maleegayeen shirqool lagu taageerayo urur argagixiso, haddii dembigaas lagu helona waxaa xukunkiisu yahay illaa 20 sano oo xadhiga ama $250,000 ama labadooda oo la isku daray.

Labada eedaysane ayaa qaatay heshiis maxkamadeed, oo ah in dalka laga masaafuriyo, oo ay la socoto inay xabsigooda halkaas ku qaataan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*