16th September 2024  admin  Category :

Laascaanood, ma waxay doonaysaa madaxweyne mise xorayn Soomaali diidka laga kiciyo?

Laascaanood waa meel ay ka socoto sheeko la magac baxday Alfu-Layl, Waan Joognaa ee na Arka iyo magaalada aan iska dhex taxtaxaashno. Waxay sheekooyinkaas ku tusinayaan sida ciidanka yimid Laascaanood aysan diyaar ugu ahayn hawshii ay u yimaadeen oo ahayd sidii SNMta looga saari lahaa Gooja Cadde.

Dagaalka waa mid hal dhinac oo kaliya ka socda, SNMta ayaa soo qaadeeysa weerarka ama soo ridaysa madaafiiicda, meesha dhinaca kale ay ku jiraan difaac kaliya. Dadka oo dhan waxaa ay is weeydiinayaan sababta ficil loo samayn waayey.

Tusaale, raashinka, shidaalka iyo rasaasta ka timaadaa Hargaysa iyo Berbera ee ku socota Gooja Cadde waxa ay soo martaa laamiga dheer, mana jirto xittaa isku day lagu joojinayo sahayda soo gaaraaysa halkaas. Hadii ciidankii SNMta sahayda ay soo gaareeyso, dagaal lagu soo qaadayaana aysan ka cabsi qabin, maxaa diidaya ineey  Gooja Cadde sii fadhiyaan?

Maxaa qaldan? Waxaa qaldan wax weeyn oo Soomaali oo dhan ka yaabiyay. Waxaa la leeyahay ciidan kummanaan ah ayaa jooga magaalada Laascaanood, waxaa jooga lix boqol oo tikniko ah, waxaa la codsaday in la keeno BM iyo Kaarayaal, waana la keenay, balse ma jiro wax  isbeddelay.

Hase ahaatee, ahmiyadda waxaa la saaray in maamul la dhiso, waxaa muhiimadda la saaray in booqashooyin la’aado, waxaa muhiimmadda la saaray arrimo aan dagaalka dardar galinayn taas oo dagaalka ka dhigtay mid mas’uuliyadiisii laga dhigay mid aan muhiim ahayn, waana midda keentay in markii maalmo ay joogaan SNMta ay duqayn ama weerar ku soo qaadaan Laascaannood.

Muuse Biixi iyo SNMta kale, waxa go’aankoodu uu yahay in ciidanka aan marnaba laga soo qaadi doonin Gooja Cadde, waa go’aan cad oo ay SNMta gaartay. Hadaba, ciidanka Laascaanood isugu yimid ma tahay in dagaalka ay wax ka beddelaan, mise waxa ay sugayaan Madfaca iyo Weerarka SNMta ay soo qaadayaan?

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*