28th March 2024  admin  Category :

Haddii  ay reer Puntland waayeen doorasho ah hal qof iyo hal  cod, maxaa diiday in 66 Xildhibaan gacan taag ku codeeyaan.

Dawladda Puntland oo labaatan jirsatay ayaa ku guul daraysatay in bulshada reer Puntland ay gaarsiiso dimoqraadiyad ah in qof kasta oo reer Puntland ah oo qaangaaray uu  si xor ah u codeeyo, una doorto qofka uu doonayo inuu hogaanka u qabto Puntland

Marka ay doorashada madaxweynaha Puntlnd timaado  bisha kowaad ee  afartii sanoba mar, waxa codeeya oo madaxwqeynaha doorta  66 Xildhibaan oo ilaa hadda la aqoon sida ay ku dhisan yihiin. Halka beeli leedahay dhowr iyo sodon xildhibaan, beel kale ee reer Puntland ahina waxay leeyihiin 3 Xildhibaan.

Xildhibaanada qaab dhIsmoodkoodii hore  xumaa,  ayaa waxa ku jira 22 Xildhibaan oo ka soo jeeda Beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli oo danaystayaal ah, oo iyagu suga bisha 12aad in Musharaxa ugu  lacagta badani uu afka u buuxiyo.

Tusaale Musharaxiinta sanadka u  oradaya hogaanka Puntland  waxa ka mid ah Siciid Cabdullaahi Deni oo ah siyaasi ay wataan Damuljadiid oo ku doodaya in la gaaray xilligii beesha Cismaan Maxamuud hogaanka qaban lahayd.

Beesha uu ka soo jeedo Deni, ayaa baarlamaanka Puntland ku leh dhowr  Xildhibaan, hase ahaatee  ku xisaabtamaya iyaga iyo Damuljadiid oo Musharaxa wata   Xildhibaanda ka soo jeeda Beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli inay maalgashadaan ama laaluushaan , iyaga oo u soo maraya  Xildhibaan Abshir Garaad oo ah xildhibaanka  u qaabilsan   laaluushka xildhibaanada Puntland . Shaqadii ugu danbaysay uu qabtayna ahayd , isaga oo laaluush soo qaaday  maalintii xilka laga qaadayey gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire. Abshir wuxuu ka mid ahaa Xildhibaanadii lagu furay baarlamaanka Puntland, Maalintii Cabdulaahi Yuusuf la doortay waa joogay, maalintii Lascaanood la qabsaday waa joogay, maalmihii gudoomiyashii Dalmar ,Yuusuf Siciid iyo Sicii Xasan Gudoominimada laga qaaday waa joogay. Maalintii Maxamed Cabdi Xaashi laga eexday wa joogay

Ugu danbayntii si looga hor tago laaluush la qaato, Garnaqsi lala galo beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli oo ah in xildhibaanadoodii ay  laba musharax lacag ka wada qaateen , si aan loogu eedayn xildhibaanada tirada badan ee Majeerteen ee  gaaraya dhowr iyo sodonka inay yihiin qabiilaystayaal u codeeya oo  qura qof ka soo jeeda beesha Majeerteen. Waa in doorashada soo socota ee madaxweynanimada Puntland ee bisha kowaad  lagu qaadaa Gacan Taag. Lacag ku bixi mayso gacan la taagay , laakiinse kalsooni badan oo bulshada dhexdeeda  ayaa abuurmaysa

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*