29th March 2024  admin  Category :

Daahir oo baaritaan ku sammeeyey qaar ka mid ah beesha Hawiye ee degan magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kala sheekeeystay arrintaas saaxiibkiis Mustafa.

Daahir: Saaxiibkeey Mustaf mala soctaa in beesha Hawiye ay ku jiraan dad asalkoodu uu yahay Amxaaro ?

Mustaf : Wadh wadh! Maanta ma sheekadaasaad noo keentay?

Daahir: Horta waa la is dhageeystaa intaadan wadh wadh oran;

Mustaf : Waan ku dhageeysanayaa, balse Amxaaro xaggeey Hawiye ka soo galleen?

Daahir: Sidaa la socotaba dadka waayadii hore weey guur-guuri jireeyn, dal kastana maanta waxaa laga hellayaa dad meel kale uga yimid oo dadkaas ku milmay;

Mustaf : Marka ma waxaad leedahay dad Amxaarada asalkooda uu yahay ayaa beesha Hawiye ku dhex jira?

Daahir: Aad iyo Aad;

Mustaf : Marka kuwaas Amxaarada ah ee ku dhex milmay beesha Hawiye maxaa lagu garan karaa?

Daahir: Waa kuwo wax xun mooyee aan wax wannaagsan kaba shaqeeyn.

Mustaf : Waan gartay;

Daahir: Waxeey meel kasta la taagan yihiin 1991dii ayaa loo noqonayaa si cadaawadda Soomaalida dhexdeeda aysan u istaagin; Adiga ayaan ku weeydiinayaa 1991dii ma fa’iidaa ku jirta?

Mustaf : May, may illaahoow hannagu soo cellin. 1991dii waxaa laga dhexlaa burbur, qax, qaxootinimo, gaajo, amni xummo, dhaqaalo xummo, caafimaad darro iyo wax kasta oo illaahay laga magan gallo;

Daahir: Ma kulla tahay dadka sidaa u hadlaya ayaa leh dhiig Soomaaliyeed?

Mustaf : May kuwaas dhiig Soomaaliyeed shaqo kuma laha;

Daahir: Sidoo kale, waxeey ku leeyhiin Muqdisho unukaa iska leh; Soomaali sida ay u kala degan tahay waa la yaqaan, balse dadka ku soo celcelinaya habbeen iyo maalin Xamar unukaa iska leh maxeey kula tahay?

Mustaf : Muqdisho waa caasimaddii ummadda Soomaaliyeed, kuwa shacabka Soomaaliyeed ka sheeganaya magaalada Muqdisho waa kuwo ku talagalay xummaan cad, weeyna u egtahay kuwa sidaa leh ineey yihiin Amxaaro. Maanta wadama badan oo adduunka ah ayaa ku dhahaya kaalay guri iibso ama ganacsi furro waxaan ku siineeynaa deganaashaha dalkeena ah ama waxaan ku siineeynaa dhalashada dalkeena.

Daahir: Waa runtaa; kuwaas Amxaarada ah waxeey kalloo dadka ku yiraahdaan Soomaali oo dhan waxeeyneey cunnaan; Soomaali oo dhan dekeddeeneey ku nooshahay. Deked yar dal ma ku noollaan karaa?

Mustafa: May; dekedda Muqdisho lacagta ka soo baxda kuma filna xittaa gobolka Banaadir iskaba daa in cid kale wax laga siiyo. Marka gabagabada maxeey tahay?

Daahir: Gebagebada waxaa ay tahay in hadii aad maqasho qof ama dad leh 1991 ayaa loo noqonaa, Muqdisho unukaa iska leh iyo waxeeynaa la cunnaa ineey yihiin Hawiyaha asalkooda ka soo jeeda Amxaarada. Kuwa maanta aan dagaalka u oggoleeyn magaalada Muqdisho waa kuwa ah Hawiyaha dhaladka ah, balse kuwa Amxaarada asalkooda uu yahay ma kalla jecla in Muqdisho ay holacdo ama lagu kalla tago iyo in kale, balse waa kuwo xummaanta uun ka shaqeeya.

Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 677 Warning: Attempt to read property "user_id" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 28 Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 48 Leave a Reply to Anonymous Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*