28th January 2022  admin  Category :

Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa waxaa lagu qabtay kulan ay soo qaban qaabisay Puntland Intellectual Forum laguna taageerayey madaxweynaha Puntland iyo doorka dhalinyarada ee doorashada 2019.

Dhalinyaradii ka qaybgashay kulankaasi ayaa siweyn u ammaanay waxqabadka madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo matalaaddii ay dhalinyaradu ka heleen xukuumaddiisa mudadii uu xilka hayey.

Dhalinyaradii ka qaybgalay kulanka ayaa waxa ay soo qaadeen waxyaabihii ay xukuumaddu qabatay gaar ahana dhismaha garoomada, waddooyinka, dekedaha iyo kaabayaasha kale ee dhaqaalaha Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*