28th March 2024  admin  Category :

Turkiga oo mashaariic horumarineed  ka fulinaya Balcad, Qalimoow, Xawaadleey , Jowhar, Mahadey, Buulabarde  iyo Baladweyn

Munaasabadan oo  ku saabsaneyd mid Mashaariic  horumarineed ay  ku kala  saxixanayeen Wasaaradda Beeraha Dowladda Federaalka iyo Hay”adda  Horumarinta dalka Turkiga ee  TiKA ayaa   ujeedada tahay  wax ka qabadashada biya xireenada wabiga shabeelle, Saabuuni  iyo keydka  Biyaha Xawaadleey,waxaana goobjoog ka ahaa Ku simaha Ra”iisul Wasaaraha ahna Ra”iisul Wasaare Ku_xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guleed, Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Ganacstada beeraleyda dalka,Safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga iyo  Madaxda Hay’adda TIKA.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid  ayaa  muhiimada uu leeyahay heshiiskan faah faahin ka bixiyay ayaa sheegay in mashruucaan faa’ido weyn u yeelan doono Beeraleyda,wuxuuna biyo ku filan siin doonaa dhul ku dhow boqol kun oo Hectar.

Sidoo kale,Wasiirka Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in Heshiiskaan sidoo kale uu wax badan ka tari doono Fatahaada uu sameeyo Wabiga,islamarkaana dhibaato geystay dhul beereed iyo sidoo kale deegaano badan oo dad degan yihiin.

Isku xiraha Hay”adda TIKA Galib Yilmaz ayaa sheegay in mashaaricdan horumarineed  ay  ka shaqeyn doonann sidii wax looga qaban lahaa biyaha xireenka Wabiga shabeele iyo keydka biyaha, wuxuuna saxiixa maanta wada gaarnay Wasaaradda Beeraha Dowladda soomaaliya muhiimad siinayaa horumarka  wax soo saarka Soomaaliya.

Wadooyinka Muqdisha soo gelaya oo la dhisayo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*