7th September 2024  admin  Category :

Kitaabka Quraanka oo mar kale lagu gubay Denmark

Laba qof oo mudaaharaadayaal ah ayaa horraantii Isniinta ee maanta safaaradda Ciraaq ee caasimadda dalka Denmark ku hor gubay nuqul ka mid ah kitaabka Quraanka Kariimka, tan oo sii xumeyn karta xiriirka u dhexeeya labada dal.

Labadan shakhsi ayaa ka socday koox isku magacawday “Wadaniyiinta Denmark”, kuwaas oo sameeyay mudaharaad kan la mid ah toddobaadkii hore, isla markaana si toos ah falalkooda uga tabinayey Facebook-ga.

Qabanqaabiyaha banaanbaxa maanta ka dhacay magaalada Copenhagen ayaa ku tumanayey kitaabka qur’aanka kariimka ah dabna qabadsiiyey, wuxuuna sidoo kale goobta ku gibay calanka Ciraaq.

Wakaaladda wararka ee Ciraaq (INA) oo soo xiganaysa wasaarada arimaha dibada dalka Ciraaq ayaa sheegtay in dowlada Ciraaq ay cambaareysay talaabadii Quraan gubista ee Isniintaka dhacday safaarada ay Ciraaq ku leedahay dalka Denmark.

Wasaaraddu waxay ugu baaqday mas’uuliyiinta dalalka Midowga Yurub inay “si dhakhso ah dib u eegis ku sameeyaan waxa ay ugu yeeraan xorriyadda hadalka iyo xuquuqda banaanbaxa,” wakaaladda wararka INA ayaa sidaasi sheegtay.

Mudaaharaadyo ayaa ka dhacay guud ahaan Iiraan iyo Ciraaq kadib markii Denmark iyo Sweden ay oggolaadeen in la gubo Qur’aanka kariimka ah iyagoo raacaya xeerar dhowraya xorriyatul qawlka.

Mudaaharaadayaal ka socda dalka Ciraaq ayaa Khamiistii dab qabadsiiyay safaaradda Sweden ee Baqdaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*