24th October 2024  admin  Category :

Taliyaha Ciidammada Mareykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa booqasho ku yimid Muqdisho, lugtiisii ugu horreysay ee uu Afrika ku yimaado tan iyo markii uu xilka la wareegay 26-kii bishii hore ee July.

General Stephen Townsend ayaa la kulmay ra’iisulwasaaraha dalka Xasan Cali Khayre, Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto iyo saraakiil ka tirsan milateriga Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidammada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM, ayaa lagu sheegay in taliyahu u kuur galayay xaaladda Soomaaliya ee dhinaca amniga iyo howl gallada socda, iyadoo la sii xoojinayo howlaha taliska AFRICOM ee dhanka ammaanka ah ee gobolka.

General Townsend, ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in uu dowladda Soomaaliya kala shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal,isagoo intaa ku daray in ay dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamka iska kaashanayaan sidii cadaadis loo saari lahaa loona cirib tiri lahaa kooxaha xagjirka ah, cadaadiskaas oo uu sheega

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*