20th September 2024  admin  Category :

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway Ine Marie Eriksen Søreide oo maanta booqasho ku timid dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Ine Marie Eriksen Søreide ayaa waxa ay kulankooda diirada ku saareen xoojinta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood.
Khayre ayaa warbixin ka siiyey wasiirada xaalada guud ee dalka iyo dadaalka ay xukuumadiisu ugu jirto xoojinta heyadaha dowlada.

Ine Marie Eriksen Søreide oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celisay soo dhawaynta loo sameeyay, ayaa ammaantay horumarka muuqda ee Soomaaliya ay ku tillaabsatay, isbedellada iyo dib-u-habeynta ballaaran ee ay dawladda Soomaaliya ka waddo hay’adaha dowladda si dalku u gaaro dib-u-kabasho dhamays-tiran.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo qaar kamid ah golaha wasiirrada ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabduule kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda Norway, Ine Marie Eriksen Søreide, oo maanta booqasho ku timid dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*