24th October 2024  admin  Category :

Markii shaqada loogs qaaday xilkiisa uu gudan waayry ayaa labo cisho ka dib xil loo magcaabay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xil cusub u magacaabay Taliyihii xilka laga qaaday ee Ciidamada Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).

Xeer uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha oo lagu howlgelinayay Wakaaladda Dhismaha Soomaaliyeed ayaa Bashiir Goobe looga dhigay inuu noqday Maareeyaha Guud ee Wakaaladdaas.

Sidoo kale waxaa xeerka lagu sheegay in Xarunta Wakaaladda Horumarinta Dhismaha Soomaaliyeed ay noqon doonto Xarunta Hey’adda TIKA/Bisha Cas ee laga leeyahay dalka Turkiga ee ku taal degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Halkan hoose ka akhriso wareegtada:-

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*