
19th May 2025 admin Category :
Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa Magaalada Hadaaftimo oo ka tirsan gobolka Sanaag ka hirgelisay Kastam ay ku yeelanayso Wasaaraddu.
Kastamkan ayaa noqon doona mid qayb ka qaata dardargalinta dakhliga gobolka Sanaag waxaana Wasaaradda Maaliyaddu geysay Shaqaalihii, Ciidamada ilaalada Canshuuraha iyo dhammaan adeegyadii kala duwanaa ee muhiimka u ahaa shaqada kastamka.
Gudoomiye Kuxigeenka gobolka Sanaag oo madasha ka hadlay ayaa Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland uga mahad celiniyey hirgelinta Kastamka, Wuxuuna uu sheegay in ay ka faa’ideysan doonaan bulshada gobolku.
Duqa magaalada Hadaaftimo, Maamulaha Cashuuraha Berriga gobolka Sanaag, Maamulaha kastamada Gobalka,Quuasha Magaalada,
Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka, Madax ka tirsan shirkada Golis iyo mas’uuliyiin kale ayaa soo dhoweeyey hirgelinta Kastamka laga hirgaliyay magaalada Hadaaftimo.
Ugu dambayn Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa uga mahad celiyay maamulka gobolka, kan magaalada Hadaaftimo iyo Odayaasha dhaqanka dadaalka ay ku bixiyeen in la hirgeliyo Kastamkan, dowladda Puntland ka go’an tahay in ay adeegyo badan gobolka ka hir geliso.
Furitaanka Kastamkan waxaa ka qaybgalay Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Gudoomiye ku-xigeenada Gobolka Sanaag, Duqa Magaalada Hadaaftimo,Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolada Sanaag iyo Haylaan, ku-xigeenka Xisaabiyaha Gobolada Sanaag iyo Haylaan, Maamulaha Cashuuraha Biriga Sanaag, Maamulaha kastamka gobolka, Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka, Hadaaftimo, Cuqaasha Magaalada Culimo awdin, Madax ka tirsan Shirkadda Golis iyo mas’uulyiin kale.