20th September 2024  admin  Category :

Kaluumeysato u dhintay walax ku jirtay dhalooyin ay badda ka heleen iyo walwal ka dhashay geeridooda

Afar nin oo kalluumaysato ah oo sida la sheegay u dhashay dalka Sri Lanka ayaa waxay u geeriyoodeen waxyaalo ay ka cabeen dhalooyin ay ka heleen gudaha badda, sida ay tabinayaan warbaahinta gudaha ee dalkaas. Sidoo kale laba kale oo kaluumaysato ah ayaa la sheegayaa in ay haatan ku sugan yihiin xaalad halis ah.

Nimankaan oo badmaaxiin ahaa ayaa la sheegay in ay gudaha badda u aadeen kaluumeysi markii ay helayeen dhalooyinka, waxay ku sugnaayeen meel 320 nautical mile badda gudaheeda ah oo ku beegan magaalo ku taalla koonfurta jasiiradda Sri Lanka.

Dhalooyinka oo dul heehaabayay badda dusheeda ayaa la sheegay ragaani in ay heleen.

Ciidamada badda ee Sri Lanka waxay sheegeen in ragga kaluumeysatada ah ay cabeen wixii ku jiray dhalooyinka iyaga oo u haystay in ay ahayd aalkolo, ama waxyaalo lagu sarqaamo.

Agaasimaha guud ee waaxda kaluumeysiga iyo qayraadka biyaha ee dalka Sri Lanka, Susantha Kahawatte, ayaa waxa uu sheegay warbaahino kala duwan in ciidamada baddu ay isku dayayaan in ay ragaan dib ugu soo celiyaan beriga

Kaluumeysato

Sida uu isagu sheegay ciidamadda badda ayaa waxay u fidiyeen ragaan doonta kaluumeysi ee lagu magacaabo Devon saarnaa kaalmo caafimaa, balse waxaa jira walwal la xiriira in uusan waqti ku filan oo lagu soo gaarsiin karay berriga si ay u helaan daawan fiican oo lagula tacaalo xaaladooda.

Labada kaluumeysatada ah ee la sheegay in ay xaaladoodu aadka u daran tahay ayaa la sheegay in iyagana badda laga soo saaray oo ay helayaan gargaar caafimaad oo lagula tacaalayo xaalkooda.

BBC da ayaa sia y xog uga hesho arrinkaan waxay xiriir la sameysay Kahwatta – agaasimaha kaluumeysiga iyo kheyraadka biyaha iyo sidoo kale ciidamada badda, balse ay wax uun uga dhahaan arrinkaan.

Agaasime Kahwatta ayaa u sheegay hay’ad warbaahineed oo ay dawladdu leedahay oo lagu magacaabo Ada Derana in ragga kaluumaysatada ahi ay dhalooyinka u sii qaybiyeen rag kale oo iyaguna meesha ka hawlgalayay.

Marka waxa uu sheegay in cillad kale ay ka sii taagneed in aanba la heli Karin ama uusan jirin waqti lagu wargalin karay kaluumeysatada kale ee ay dhalooyinka ay u maleeyeen aalkoolada usii dhiibeen.

Kaluumeysato

Waxa uu intaas raaciyay in ay haatan isku dayayaan in ay la xiriiraan ragii kale ee qaatay dhalooyinka ee badda wali ku maqan.

Ciidamadda badda ayaa waxay u sheegeen warbaahinta gudaha ee dalkaas, in doontii kaluumeysi ee ragga dhintay ay saarnaayeen badda ay ka bixisay doon kale. Doontaas ayaa la sheegay in ay ka soo baxday xeebta magaalada Tangalle markii ay bishu ahad 4 tii June.

Dhacadadaan ayaa la sheegay in ay waxaa la sheegay in ay ka dhasheen banaanbaxyo ay dhigeen dadka deegaanka Tangalle, ilaa iyo habeenkii sabtidii ayaana la sheegay in ay ku sugnaayeen waddoonka, iyaga oo ugu baaqayay masuulyiinta in gargaar loo sameeyo dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

Banaanbaxyadaas ayaa la sheegay in ay carqaladeeyeen isku socodkii dadka ee magaaladaas.

Dhanka kale masuuliyiinta Sri lanka ayaa waxay sheegeen iyana in ay baaritaan ku sameynayaan waxa ku jiray dhalooyinkaas ee sababay dhimashada kaluumeysatada.

Badaha qaar ee ay ka mid tahay tan Soomaaliya ayaa waxaa ay kaluumeysatada iyo dadka ag dagani inta badan ka cawdaan walxo qashin ah oo lagu daadiyo badweynta. Balse lama oga ilaa iyo haatan waxa rasmiga ah ee ay ku jiray dhalooyinkaan ay ku sumoobeen kaluumeysatadu.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*