16th September 2024  admin  Category :

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Dowlad Gobaleedka Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil oo muddooyinkaan ku sugnaa degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa maanta booqday xerada ciidanka Daraawiishta ee howlgala gobolka Gedo, wuxuuna ciidanka kula dardaarmay in ay xoojiyaan amniga guud ahaan gobolka.Dhanka kale wasiiru dowlaha amniga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil ayaa kormeeray xarunta saldhigga booliska ee degmada Ceelwaaq oo uu dib u dhis ka socdo isaga oo u kuurgalay qaabka loo dayactirayo saldhigga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*