
4th June 2025 admin Category :
JUXA OO MAGACAABAY XOGHAYAHA DAWLADDA HOOSE EE DEGMADA BOSAASO.
Garowe: May 29, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderaalka iyo Dimuqraadiyeynta DPL mudane Abdi Farah Juxa wuxuu Xoghaya Dowladda Hoose ee Degmada Bosaaso u magacaabay Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Kawte). Sidaa darteed, waxaa la farayaa maamulka Gobolka Bari, kan Degmada Bosaaso iyo Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ee Gobolka Bari in la fuliyo dhaqan gelinta magacaabidda Xoghayaha Cusub.