16th September 2024  admin  Category :

Jarmalka, Faransiiska iyo Ingiriiska oo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Qaza

Jarmalka, Faransiiska iyo Britian ayaa Isniintii ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda Qaza, xilli ay Israa’iil isu diyaarinayso inay qaaddo weerar kale oo ballaadhan.

Qoraal ay soo saareen hoggaamiyayaasha Yurub ayay ku sheegeen “in dagaalka haatan la joojiyo, isla markaana in la sii daayo la haystayaasha gacanta ugu jira Xamaas”. Waxay intaas ku dareen “in shacabka reer Qaza inay u baahan yihiin in la gaadhsiiyo gargaar degdeg ah”.

Qoraalkan waxaa si wadajira u saxeexay madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron, Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz iyo Ra’iisal wasaaraha Britian Keir Starmer.

Saddexdan dal ayaa taageeray qorshaha dhexdhexaadinta ee ay wadaan Maraykanka, Qatar iyo Masar, kaas oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka muddada 10-ka bilood ah socda, ee u dhexeeya Israaiil iyo Xamaas.

Hindisahan ayay ka mid tahay in la is dhaafsado maxaabiista gacanta ugu jira Xamaas iyo Falastiiniyiinta ku jira xabsiyada Israa’iil, iyo in ciidamada Israa’iil ay gebi ahaanba ka baxaan marinka Qaza.

Sidoo kale waxay ugu baaqeen Iran iyo taagerayaasheeda gobolku inay is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan inay weerar aargoosi ah ku qaadaan Israa’iil, iyaga oo ka aargudanaya dilkii taliyaha Xisbullah iyo hoggaamiyihii Xamaas ee lagu dilay Tehran.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*