6th October 2024  admin  Category :

Cisminaan Maxamuud iyo Cumar Maxamuud mid laba goor ayeey soo qabteen hogaanka Puntland, markii la soo gaartay MARKAYAGII aan qaban lahayn maxaa keenay doorashada.

Dhalinyaro ka soo jeeda beesha Ciise Maxamuud ee Majeerteen, ayaa jabhad kaga dhawaaqay gobolka Nugaal oo ay ka mid tahay Garowe, caasimadda lagu muran san yahay inay caasimad u sii ahaato Puntland.

‘ “Cabulaahi Yuusuf iyo Cabdiweli Gaas iyo Cadde Muuse iyo Siciid Deni , oo ka soo kala jeeda beelaha Cumar Maxamuud iyo Cismaan Maxamuud ee aan wada dhalanay , mid labo goor ayeey soo qabteen hogaanka Puntland , halka beeshayada Ciise Maxamuud uu Cabdiraxmaan Faroole hal mar qura soo qabtay hogaanka sare , oo markii ay ahayd inaanu qabano iyo meertayada la bilaabay diiwaan gelin la doonayo in doorasho lagu qabto Puntland, oo nala dhaafsiiyo MARKAYAGII” . Sidaas ayeey ku doodayaan jabhadda argagixisada ah ee lagaga dhawaaqay Nugaal.

Caawa dhalinyaro ka so jeeda beeshaas, oo horay hub loogu talo galay in lagula dagaalamo argagixisada alshabaab ee Buuraha Calmadow kala soo gostay ciidanka halkaa joogay, oo sababay xasuuqii Af urur oo ay dadka badani ku dhinten ayaa iyaga oo hubkaas ay soo bililiqaysteen ku hubaysan kaga dhawaaqay magaalada Garowe jabhad lagu diidan yahay doorashada Puntland

Waxa jira khalad laga fahmay Caasimadda Puntland oo beesha degtaa ay u haysato in lagu khasban yahay.in wax walba iyagu helaan

Tusaalaha kowaad: haddii Isimaddii Harti ee soo jireenka ahaa ay joogaan magaaladaas uuna shir ka jiro ama ka furmo caasimadda Puntland ee Garowe, Nabadoon beesha Caasimadda ayaa shirkaas fura, iyada oo isimaddii soo jireenka ahaa ay fadhiyaan

Tusalaha labaad deeqaha loogu talo galay guud ahaan Puntland ma soo dhaafaan Garowe

Tusaalaha ugu danbeeya, kooxdani Puntland waxay u haystaan inay Garowe tahay.

Maanta Gobolka Sanaag safaf dhaadheer ayaa waxa loogu jiraa Diiwaan gelin iyo sidii Bulshadu ugu codayn lahayn hal qof iyo hal cod. Degaanada qaarkood ee safafka loogu jiro diiwaangelinta labada dhinac waxa ka kala xiga cadowga SNM iyo Alshabaab, oo ay bulshada reer Sanaag khatartaas ugu bareereen sidii loo heli lahaa Puntland la wada leyahay oo Dimoqraadiyad ah

Ugu danbaynbtii Jimcaale Jaamac Takar iyo Mahad Canbaashe waa isku mid, waana wada qaran dumis, waa soo dhamaatay xilligii horgalaha Dhulbahante iyo Warsangeli la canbaarayn jiray oo horgalaha Majeerteen ee dhiiga ku daadiyaa gudaha Puntland uu xilka ugu sareeya ku qaban jiray Puntland . Indhaha ayaan ku haynaa sidii laga yeeli lahaa argagixisada uu hogaaminayo Jimcaale Jaamac Takar

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*