18th October 2024  admin  Category :

Dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka ayaan waxba ka qaban macayshada kor u socota. Hadaba, ma jiro wax qorsha ah oo ay wax uga qabanayaan maceeyshada sii qaali garoobeeysa. Inta badan dawladdaha adduunka, waxeey kula tacaallaan maceeyshadda sii qaali garoobeeysa caanshuur dhaaf ama kabid dhaqaale.

Dadka qaar ayaa qaba in ganacsadihii Soomaaliyeed ee ka soo dejiya dekkeddaha dalka cunto iyo shidaal aan laga qaadin wax caanshuur ah inta sicir bararka uu socdo. Hase ahaatee, dekkedihii dalka uu lahaa ayaa ah kuwo lawada xaraashtay oo lagu wareejiyey shirkaddo ajnabi ah kuwaasoo aan waxba ka gellin maceeyshadda sii kordheeysa.  

Arrintaa iyada ah waxeey sababtay in dawladdii iyo maamulada dalka aysan heeyn wax qorsha ah oo ay kulla tacaalayaan sicirka bararka kor u sii socda, shacabka Soomaaliyeedna waa kuwo iyagoo noo la xaraashtay hantidoodii, mana jirto cid ay ka sugayaan ineey dhibka heeysta wax kala qabato.

https://youtu.be/tcZ_8GdOJnU

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*