19th September 2024  admin  Category :

Itoobiya: ‘Ma jirto cid naga joojin karta inaan dhaqdhaqaaqyo ka sameyno gudaha Soomaaliya’

Bishii June, Xuseen Macallin oo ah La taliyaha Amniga Qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in marka uu dhamaado bixitaanka ciidamada hawlgalka ATMIS ay guud ahaan ciidamada dalka Itoobiya isaga bixi doonaan dhulka Soomaaliya, aysanna aqbali doonin hawlgalka xiga ATMIS ay Itoobiya qayb ka noqoto.

Sababta ugu wayn go’aankaas ayaa waxay tahay, in khilaaf xoogga uu ka dhaxeeyo labada dawladood ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Sababahana waad garaneysaan xaaladda iyo xiriirka dawladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ay hadda maanta la leeyihiin Itoobiya ayeysan suurtagal noqonaynin in ay ma aragtay cidamadaas Itoobiya ay Soomaaliya sii joogaan,’ sidaas waxaa yiri Xuseyn Macallin, Lataliyaha Amniga Qaran ee Soomaaliya.

Balse afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Nebiyu Tedlaoo dhawaan la hadlay warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya ayaa sheegay in Itoobiya ay xaq u leedahay in ay tallaabo difaac ka qaado waxuu ku qeexay ‘Al-Shaabta aadka u xoogaystay

“Ma jirto awood joojinaysa Itoobiya in ay tallaabooyinka lagama maarmaanka ah qaadno iyada oo aan cidna ogolaansho weydiisanayn. Itoobiya iyo dowladaha gobolkuna waxay ka wada shaqayn doonaan midaan”

Isaga oo hadalka sii watana waxuu sheegay in Itoobiya wax kasoo horjeeda ayna Soomaaliya kasoo dhex bixi karin.

“Ma jirto sabab ay u ogolaan doonto Itoobiya awood kasoo horjeeda danaheeda in ay kasoo dhex baxdo Soomaliya.” Ayuu yidhi Afhayeenka wasaarad

Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Itoobiya iyo Turkiga
Ciidamada nabad illaalinta ee iyo midowga Africa
Qoraalka sawirka,Ciidamada nabad illaalinta ee iyo midowga Africa

Soomaaliya ayay ciidamo ka kala socda ururka midowga Africa joogeen tan iyo bishii March ee sanadkii 2007 dii, xilligaas oo uu bilowday Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya.

Filashada la qabay waxay ahayd in Soomaaliya si toos ah ula wareegi doonto amniga guud ee wadankeeda iyada oo aan cidi kaalmaynaynin balse mar saddexaad ayuu howlgalka cusub oo magac kale wata lagu wadaa in uu Soomaaliya ka bilowdo.

Isla bishaan August war kasoo baxay Golaha Amaanka Iyo Nabadda Afrika ayaa lagusoo dhaweeyay dalabyada Jabuuti iyo Masar ay ciidamo ugu deeqi doonaan Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya waxuu sheegay in wadamada howlgalka cusub ee AUSSOM ciidamada ugu deeqaya ay noqon karaaan kuwa abuura xasarad ka dhalata gobolka geeska Afrika.

“Itoobiya waxay aaminsantahay wadamada ciidamada ugu deeqi doona howgalka in si dhibaato-ka-carar leh loo xusho. Doorka ciidamo ku deeqayaashana ayna noqon xudun dhibaato oo u dhexeysa wadamada geeska. Aad banaa u aaminsanahay in doorkaasi uusan noqon meel kale oo dhibaato kale gobolka ka abuurta,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya.

Xasaradda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya oo la kowsatay dhalashada sanadkaan 2024 ayaa maraysa bishii sideedaad iyada oo wada hadalo iyo xalal diblumaasiyadeed oo labada wadan lagu dhexdhexaadinaayo ayna kasoo bixin wax midho ah wali.

Wadahalkii ka dhacay Ankara ayaa ahaa kii ugu danbeeyay labad dhinac ay wada galeen, balse qudhiisa wax xal lama gaarin, waxaase la isku ballansaday wareeg sadexaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*